Xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo ay Puntland sheegtay in ay isku dhiibeen.[Video/Masawiro]
June 22, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Waxaa maanta ay warbaahinta u soo bandhigeen Saraakiisha ciidanka dowladda Puntland labo nin oo dhalinyaro ah oo horay uga tirsanaa Al-shabaab ee ku jira Buuraha Calmadow. 2-da dhalin yarada ah ee maanta warbaahinta loo soo bandhgay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Yuusuf Xassan Axmad Fil-fil iyo Yaasiin Xassan Axmad Fil-fil,waan walaalo deegaan ahaan ka soo jeeda degaanka Galgala.
Goobta lagu soo bandhiga labada nin ee dhalinyarad ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha gobalka Bari Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo isagoo warbaahinta u sheegay in uu soo dhaweynayo in labadaan dhalinyarad ah ay ka soo baxeen ururka Al-shabaab oo dadkooda ay wax la wadaagaan kana faa’iidaystaan cafiskii Madaxweynaha dowladda Puntland uu horay u fidiyey.
no images were found
Labadaan nin ayaa waxaa ay saxaafadda u sheegeen in ay horay uga baxeen al-shabaab balse aysan u suurto gelin in ay gacata dowladda Puntlad isku dhibaan haddese ay fursad u helleen arrinkaas, labada nin ayaa xusay in magaalada Ceerigaabo iyo Dhahar ay ku dhuumaalaysan jireen.
Hoos ka Daawo Labo nin oo ka tirsana Al shabaab ayaa isku soo dhiibay Dawladda Puntland
M_M Deeq
Halgan.net