Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFS oo cambaareysay weerarka lala beegsaday kolonyo gargaar oo Imaaraati ah .

June 25, 2015 - Written by Editor

wasaaradaMuqdisho:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareyneysaa weerarka argagaxiso ee lagu beegsaday maanta oo Arbaco ah ( 24 June) kolonyo gargaar Imaaraati ah Caasimadda Muqdisho , kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah.

Waxaan cadeyneynaa in falkaasi dambiga ah oo loo adeegsaday gaari miineysan laguna beegsaday kolonyada xilli ay mareysay fagaaraha qaranka “ Tarabuunka” uu ahaa fal fuleynimo oo argagaxiso ah , marna ma qalqalin doono kalsoonideena, waxaanu qaadi doonnaa tallaabooyin wax ku ool ah oo ka dhan ah argagaxisada iyo aragtiyada lunsan , ma hakan doono geedi socodka nabadda iyo dib u heshiisiinta , iskaba daa ma hakan doono go’aankeena dabargoynta argagaxisada , waxaanu xoojin doonaa go’aankeena aan iskaashiga si adag ula sameyneyno saaxiibadeena caalamiga ah oo ay ku jirto Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta iyo Dowladaha kale .

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si falgal ah oo xiriir ah ay ula shaqeyneysaa dowladaha saaxiibka ah , Ururada gobolka iyo caalamiga , si loo gaarsiiyo guud ahaan Soomaaliya kala dambeynta , qaanuunka iyo dowlad wanaaga .

Waxa aanu tacsi u direynaa qoysaska dhibanayaasha , waxa aanu cadeyneynaa inaanu si dhameystiran u taageersannahay Dowladda iyo Shacabka Isutagga Imaaraat-ka Carabta .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online