Qaxooti ka soo cararay colaada Yeman oo soo gaaray Boosaaso.[Dhagayso]
June 25, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Waxaa saaka soo gaaray Dekkadda magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari dad Qaxooti ah oo iskugu jira Soomaali iyo Yemaniyiin ah oo tiradooda ay gaarayso ilaa 273, Guddiga Gurmadka cilimada dadka kaso qaxay Yeman iyo masuuliyiiinta Dawlada Puntland ayaa Qaxootiga soo dhoweeyay markii ay soo gaareen Dekkada Bosaso,iyagoo dadka u qaaday Xerada qaxootiga ee Dawlada Puntland ay ugu tala gashay qaxootiga ka imanaya dalka Yeman walow dad gaaray 23 qof ku dhawaad loo qaaday xarumaha caafimaadka si loo daweeyo oo caafimaadkooda loola tacaalo.
Dadkaan maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa waxaa soo qaaday doon lagu magacaabo Suldaano waxaan ay soo qaaday tiro dad ah oo ka yar kuwa ka imaan jiray dalka Yeman maadaam ay baddu kacsan tahay Dowladda Puntland ay doonyaha ku wargelisay in inta ay badda kacsan tahay laga taxadaro in dad xaddhaaf ah lagu soo qaado Doonyaha ka imaanay dekadda Mukala ee dalka Yeman .
Agaasimaha Xerada Qaxootiga Yeman Burhaan Huruuse oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa ka warbixiyey xaalada Qaxootiga soo gaaray Boosaaso iyo tradood iyo weliba gurmadka joogtada ah ee dadka reer Boosaaso iyo dowladda Puntland u fidiyen walaalahood ka soo cararaya calooda a jrta dalka Yeman.
Hoos ka Dhagayso Agaasimaha Xerada Qaxootiga Yeman Burhaan Huruuse
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/9d7jumkos4/Agaasime.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net