Fataawaha Bisha Ramadaan oo ka bilowday Masaajidda waaweyn ee Burco.[Masawiro]

June 27, 2015 - Written by Editor

20150621_094318Burco:-Waxaa si rasmi ah uga bilowday Masaajidada waaweyn ee ku yaal magaalada Burco fataawa Ramadaaniya oo lagu bayaaminayo Axkaamta bisha Ramadaan. Fataawahan oo ay soo qaban qaabiso sanad walba Mu’assada Alkaram ee Dacwada iyo horumarinta gobolka togdheer waxaa lagu kala qabtay 7 masaajid ee ugu waaweyn magaalada Burco oo ay ka mid yihiin Masjid Jaamic, Masjidu Madiina, Cumar binu khidaab, Qudus, Masjid baarsiigo iyo Masjidka Abaa cubayda .

Waxaa ka soo qeyb galay dadweyne aad u tiro badan oo u hamuun qaba inay wax badan ka ogaadaan axkaamta sowmka iyo waajibaadkeeda, waxayna culimada weydiinayeen su’aalo taabanaya dhinacyada kala duwan ee shareecada Islaamka gaar ahaan wixii ku saabsan bisha Ramadaan.

Fataawahaan oo sanad walba la qabto bisha Ramadaan waxay culimadu kaga hadlaan arrimo ku saabsan Axkaamta bisha ramadaan. Waajibaadka soomka, waxyaabaha buriya, iyo axkaam kale oo ku saabsan fidriga.

Ugu dabnayn waxay culimadu aad ugu baraarijeen dadka sida loogu baahan yahay in la guto waajibaad ka All e ummadda saaray iyo in laga fogaado waxyaaba soomka fasaahidanaya.

no images were found

Culimada ka qayb gashay fataawahana waxay kala ahaayeen:-

1. Dr xasan cali warsam

2. Sh cabdilaahi khalii

3. Sh  Adaan Cabdi Ismaaciil

4. Sh rashiid Xaaji Aadan

5. Mukhtaar Aadan Maxamed

 

Mu’assadda Al-karam
Burco,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online