Jaamacadda Bariga Afrika-Garowe oo kulan soo dhaweyn ah u samaysay wasiirka cusub ee waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Puntland.[Masawiro]

June 29, 2015 - Written by Editor

20150628_191155Garoowe:-Habeenimadii xalay ayaa Jaamacadda Bariga Afrika faraceed Garoowe waxaa ay kulan soo dhaweyn ah u samaysay wasiirka cusub ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Prof. Abshir Aw Yusuf Ciise , waxaana kulankaas soo dhaweynta wasiirka ku weheliyey xubna kale oo ka tirsan wasaaradda sida Wasiir ku xigeenka Dr. Maxamed Cali Faarax, Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Axmed Keyse iyo madaxa Imtixaanaadka Puntland Mudane Axmed Saahid.

Kulankaan soo dhaweynta ah ayaa waxaa furay Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf , Maamulaha Jaamacadda Bariga Afrika-xarunteeda Garowe wuxuu ka hadlay xiriirka ballaaran iyo wadashaqeynta ka dhaxaysa xarumaha u adeega tacliinta sare ee dalka .

Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf  oo ku hadlayey magaca Jaamacadaha Puntland ayaa soo dhaweeyay wasiirka cusub , wuxuuna sheegay in wasiirku uu markale dib ugu soo laabtay dalkiisii oo uu awalba bare Jaamacadeed iyo Macallinimo ka soo qabtay , uuna ka mid ahaa bahdii tacliinta saree ee dalka , haddana laga filayo inuu wax fiican ka badali doono heerka tacliinta sare ee dalka maadaama uu aqoon dheer u leeyahay tacliinta sare muddo bandanna uu ka shaqeynayey.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay xildhibaan Cabdixakiim Maxamed Axmed oo isaguna muujiyey hawlaha horyaalla wasiirka cusub , codsadayna in wasiirka gacan laga siiyo sidii uu hawlihiisa shaqo u gudan lahaa.

Dr. Maxamed Cali Faarax oo ka mid ahaa aasaasayaashii Jaamacadda ayaa ku xeeldheeraaday taariikhda Jaamacadda Bariga Afrika iyo tacliinta sare ee Puntland, wuxuuna sheegay in dad aqoonyahan ah oo waxgarad ahi ay horkacayaan tacliinta sare ee dalka , wuxuuna ku booriyey dhammaan bahda tacliinta sare in lalashaqeeyo Wasaaradda iyo wasiirkeeda cusub si meel loo gaarsiiyo hayyaanka tacliinta sare ee Puntland.

Wasiirka oo kulankaas soo xirey ayaa uga mahadceliyey maamulka Jaamacadda xafladan soo dhaweynta ah , wuxuuna tilmaamay in hawlaha tacliintu ay tahay shaqooyinkii uu ka shaqeyn jirey, haddana uu markale wadanka ku soo laabtay si uu dib uga shaqeeyo tacliinta Puntland. Wuxuu wasiirku ballan qaaday inuu garab istaagi doono Jaamacadda wadanka si ay u gaaraan ujeeddooyinkii loo sameeyay.

no images were found

Xafiiska Warbaahinta JBA -Garowe

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online