Agoonta magaalada Laascaanood oo laga farxiyey.[Masawiro]
July 14, 2015 - Written by EditorLaascaanood:-Waxaa maanta oo ay ku beegnayd 27 Ramaad loogu qaybiyay xarunta agoonta ee magaalada laasccaanood 300 oo agoon wax ka badan oo sigu jira wiilal iyo hablo deeq dhar ah , taasoo ay ku deeqeen bulshada gobolka Sool ,iyo qaar ka mida qurba joogta gobolka Sool u dhalatay Deeqdan oo ka koobnayd noocyada kala duwan ee dharka ay ku ciidaan caruurta.
Ugu horayn waxaa halkaasi kahadlay mamaulaha xarunta agoonta ee Laascaanod Sheekh.Jaamac Xasan Maxamed , isaga oo faahfaahin ka bixiyay cida ugu deegqady dharkan lagu ciidsiinayo agoonta xaruntan
‘Maanta halkani waxaanu ku gudoonsiinaynaa 300 o qof oo agoon oo isgu jira wiilal iyo hablo.
Deegqdaan oo ka kooban noocyada kala duwan ee dharka caruurtu ku labisto , Deeqdani waxa Alle dartii ula baxay dad muxsiniin-sadaqo bixiyayaal- kuwaasoo doorbiday inay ka farxiyaan caruurtaa agoomaha ah ee aanu gacanta ku ahyno , dadka la baxay deeqdani waxy ku kala nool yihiin qaar ka mida wadamada Carabaha , sida nin sheegay inaan magiciisa la sheegin kaasoo ciidsiiyay 100 caruura .
Sidoo kale waxa Iyana 50 caruura ciidsiisay haweenay ku nool wadanka Ingriiska , haweenaydaas oo sanad walba ka qayb qaadata taakulaynta caruurta agoomaha ah ee k u nool magaalada laascaanood .’ ayuu yidhi maamulaha xarunta agoomaha ee Al-raxmah ee Laascaanood.
Dhinaca kale waxaa halkaa isna ka hadlay Shiikh Aadan cali oo ka mid ah culimada gobolka Sool , Sh Aadan oo ahaa isagu bilaaby mashruuca Ciidsii Agoonta Laascaanood , kaas oo uu bilaabay Sanadkii hore .
Mashruucan ayaa sanadkii hore ku hirgalay in la ciidsiiyo 100 caruura oo agoomo ah , balse sanadkani waxaa lagu guulaystay in la ciidsiiyo 300 oo caruur kuwaasoo isugu jira wiilal iyo hablo , Sh Aadan Cali nuur oo saxaafada u mariyay baaq ah in la ciidsiiyo caruurta agoomaha ah ee laascaanood .
Ugu danbayntii , qaar ka mida waalidiinta ayaaa halkaa iayan ka hadlay , waxay sheegeen waaldiintaa , in ay Alle ugu mahd naqayaa hadyadaa uu siiyay , Alle sokodiina , ay u mahad naqayana dadkii ugu deeeqay in ay ciidsiiyaal ubadkooda agoomaha ah.
no images were found
Mawliid Ismaaciil Haradigeed
Lasanod,Somalia