Dawrooyinkii Sayfiga ahaa oo lagu soo gabagabeeyey Masjidka Jaamicul Madiin ee Burco.[Masawiro]
July 15, 2015 - Written by EditorBurco:-Masaajidul Jaamicul madiina (Indhodeero) ee Magaalada Burco waxaa lagu soo xidhay xaflad lagu khatimayey Dawradii la magac baxaday Shiikh Maxamed Bin C/wahaab. Dawradan oo ahayd Dawradii 7/aad ee ay soo qaban qaabiyeen Ardayda Jaamacadda Madiinatu-Almunawara. waxaana horseed ka ahaa Sh.C/raxmaan Aadan Ali. ( shaacir) Dr.Xassan Cali Warsame, Dr. Faysal Maxamed Cali iyo Sh. Daa’uud Cali Adan.
Dawradan oo ay ka soo qayb galeen Culimada gobolka, waxgaradka, Shirkada Indhadeero group, Mu’asasada Alkaram lidacwati watanmiya iyo Ardaydii qaadatay duruusta.
Ugu horayn Sh. C/raxmaan Aadan Ali ( shaacir) oo ahaa madaxa Culimada soo diyaariyey dawradan ayaa mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Culimada kala qayb qaadatay dawrada, wuxuu mar labaad aad ugu mahad celiyey Shirkada ganacsiga ee Indhadeero group, oo iyadu sanad walba suurto gelisa qabsoomida dawrada sayfiga ah.
Ardayda ka qayb qaadatay dawradan waxay gaadhayeen 500 Arday oo isugu jira wiilal iyo hablo iyadoo 450 ka mid ah Ardaydaas ay u fadhiisteen imtixaanka halkaasna waxaa jawaa’is iyo shahaadooyin lagu gudoonsiiyey 40/kii Arday ee ugu sareeyey.
Sh. C/raxmaan Aadan Ali ( shaacir) wuxuu ka warbixiyey ujeedooyinka iyo ahdaafta laga leeyahay dawradan inay ka mid tahay.
1. In la barto cilmiga Shareecada Islaamka iyadoo laga faa’iideysanayo fasaxyada waxbarashada.
2. In Ardayda la baro akhlaaqda wanaagsan lagana mashquuliyo firaaqa iyo suuqyada.
3. In la xoojiyo juhuuda dacwadeed ee ka socota masaajidada.
4.In la taageero dedaalada ay wadaan Muasasaadka ka shaqaynaya dacwada.
5. In fursad lasiiyo ardayda aan waqtiga u helin inay barashada shareecada kuna xidhnayn Masaajidada.
6. In laga faa’iideysto waqtiga dhalin yaranimada iyo fursada la haysto si loobuuxiyo firaaqada banana ee la haysto.
Hadalo koob kooban oo ay halkaas ka soo jeediyeen Culamadii ka soo qayb gashay oo ay ka mid ahaa yeen Fadiilatu Sh. Cali Warsame Xasan, Sh. Jaamac Cali Cabdile , Sh Yuusuf Maxamud Diiriye iyo Gudoomiyaha mu’asasada dacwada gobolka togdheer ee Alkaram Sh Saleebaan Diiriye,dhamaan waxay aad ugu mahad celiyeen Culimada soo diyaariyey dawradan iyagoo hadalo waano iyo dardaarana u soo jeediyey Ardaydaa ka faa’iidaystay fursadan qaaliga ah.
Maadaaba ay dhalinyaradu yihiin mustaqbalkii Ummadda, iyo kuwii berito qaban lahaa hogaanka Dalka waa inay u diyaar garoobaan inay noqdaan macalimiintii mustaqbalka. “ waxaa maanta Caalamka lagu tartamaa waa sidii wax loogashan lahaa Jiilasha idinka oo kale si ay berito Afkaar iyo aragti kale ay ula yimaadaan.” Waxay ku soo khatimeen inay u diyaar garoobaan inay buuxiyaan dawrkii ay ku lahaayeen Bulshada oo ah in wax loo barto si loogu hago ummadda dariiqa toosan.
Ugu danbayn Dawradan oo ah tii 7aad ee wata shicaarka Sh. Maxamed Bin Cabdiwahaab waxay soo bilaabeen 1428 oo ku began 2008 waxaa soo daadihiynayey Ardayda ka socota jaamicada Islaamiga ee Madiinatu-Almunawara oo sanad walba iska xilsaara sidii ay uga faa’iideyn lahaayeen Aqoonta ay xan baarsan yihiin Bulshadana ugu soo celin lahaayeen wax ka mida Aqoontooda.
no images were found
Muasasada dacwada iyo horumarinta
gobolka togdheer ee Alkaram