Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Kismaayo
July 26, 2015 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa goor dhaweyd gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose.
Wafdiga Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo Madaxweynaha Jubland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo xubno ka tirsan Maamulka Jubaland.
Socdaalka Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey loo sii shaacin waxaana uu haatan kulamo kala duwan la leeyahay madaxda Maamulka Jubaland .
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu isku dayayaa in uu xal ka gaaro Khilaafka ka dhex aloosan DFS iyo Maamulka Puntland iyo Jubbaland waxaana ay laba Maamul diideen in ay ka qeyb galaan shirka 29 bishan ka dhacaya Muqdisho kaas oo looga hadlayo hiigsiga 2016.
Cabdi Yare
Kismaayo