Ra’iisal wasaaraha DFS Cumar C/rashiid oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho
July 27, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisal wasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo maanta shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay in xukuumadiisa diyaar u tahay inay martigeliso shir caalami ah oo looga hadli doono dhameystirka hiigsiga cusub ee 2016-ka,kaasi oo 29-ka Bishan ka dhici doona magaalada Muqdisho.
Ra’iisal wasaaraha DFS Cumar C/rashiid ayaa waxaa uu ka hadlay weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotel Al-Jazeera wuxuuna sheegay in aan loo baajin doonin hormarada iyo dib u dhiska dalka ka socda qaraxyada ay Al-Shabaab ka wadaan Muqdisho.
Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay qaraxii ka dhacay Hotel Al-Jazeera wuxuuna yiri ” Falalka noocaan ee lala beegsanayo hotellada iyo xarumaha Ganacsiga ay yihiin kuwa lagu joojinayo horumarka dalka, waxaana Tacsi u dirayaa dhammaan dadkii wax ku noqday Qaraxii shalay ay argagixisada ka geysteen hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho”
Dhinaca kale Raisulwasaaraha DFS ayaa ku booteeyey in ay wax ka qaban doonaan kooxaha Al-Shabaab ee qaraxyada ka geystay magaalada Muqdisho wuxuuna ku faanay in sida Degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere looga ceyrshay Al-Shabaab deegaanada kalana laga saari doono wuxuu yiri “dhawaan gacanta nabad-diidka laga saarayaa magaalooyin cusub, maadaama ay socdaan howlgallo baaxad leh, waxaana ugu dambeyntii ugu baaqayaa dhalinyarada ay nabad-diidku qaldeen in ay ka soo laaban fikirka lagu marin-habaabiyey”.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa marti galineysa Shir caalami ah bishan aan ku jirno 29 keeda wuxuna lagu qaban doonaa magaalada Muqdisho waxaana diirada lagu saari doonaa Hiigsiga cusub sanadka 2016-ka.
A/Cawale
Halgan.net