Madaxweyne Gaas oo safar ku tegay Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.[Masawiro]
July 31, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 31-7-2015 si weyn loogu soo dhaweeyey Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal . Maamulka Degmada , Waxgarad, Haween , Dhalinayaro, Cuqaal, masuuliyiin iyo dadweyne kala duwan ayaa si habsami leh uga qeyb-qaatay soo dhaweynta madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas loogu sameeyey Degmada Burtinle .
Soo dhaweyn kadib ayaa madaxweynuhu waxaa uu bulshadii iyo masuuliyintii soo dhaweysay kula hadlay meel fagaare ah , isagoona uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen , waxaana uu ku amaanay maamulka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan sida ay uga qeyb-qaateen horumarka baaxada leh ee ay gaartay Degmadu.
” Runtii sida aadka u wanaagsan ee aad noo soo dhaweyseen aniga iyo wefdigayga aad ayaan idiinka mahadcelin , waxaa iiga muuqata soo dhaweynta dad faraxsan , waxaa sidookale ii muuqda magaalo qurux badan oo hurumartay ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
” Waxaa loo baahanyahay in dawladd iyo shacaba inaad iska kaa shataan adkaynta nabad-gelyada Degmada , taas ayaa muhiimada koowaad iskaleh meelkasta oo aan joogno Puntland ” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweynuhu.
Madax weynaha ayaa sidoo kale guud ahaan shacabka Burtinle ugu baaqay inay ka qeyb qaataan barnaamijka isku tashiga Puntland, islamar ahaantaana si deg deg ah u soo dhisaan Golaha deegaanka Degmada cidkastana dhinaceeda ay ka qaadato horumarka Degmada .
Ugu dambeyn madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa loo gudbiyey hoyga uu degmada Burtinle ka dagan yahay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle , waxaana halkaas madaxweynaha si wanaagsan ugu soo dhaweeyey Islaan Bashiir oo u sameeyey qado sharaf.
no images were found
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.