Ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya oo la wareegay deegaanka Awdiinle ee gaobalka Baay

March 16, 2013 - Written by

Magaalada-BaydhaboBaydhabo:-Ciidamada DFS  ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Awdiinle oo u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay 30 KM waxaana halkaas ka dhacay dagaal kooban sida uu warbaahinta u sheegay G/Sare Yuunis Aadan Xasan.

G/sare Yuunis Aadan Xasan ayaa sheegay in shalay dagaal kooban uu ka dhacay deegaanka Awdiinle wuxuuna ku goodiyey in ciidamaa DFS ay horey u sii socon doonaan

Dagaalka shalay ayaa waxaa ku dhintay ilaa 3 qof oo ka tirsan labada dhinac ee shalay ku dagaalamay deegaanka Awdiinle oo u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay 30 KM waxaana ku dhaawacmay tobaneeyo kale.

Ciidamada DFS ayaa waxaa kaabaya ciidamada Itoobiya ayaa ku sugan gudaha Awdiinle waxaana dad goobjoog ah ay sheegeen in ciidamada huwanta ay fariisimo ka sameysteen duleedka deegaanka Awdiinle.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa baryahaan kordhiyey dagaalada gaadmada ah ay ku qaadayaan ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya oo ku sugan gobalada Bay iyo Bakool.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online