Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose iyo nin lala xiriirinayo qarax oo gacanta lagu dhigay

March 25, 2013 - Written by

kismaayoKismaayo:-War uu goordhow na soo gaarsiiyey wariyaha Halgan.net ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax lagu weeraray ciidamo ka tirsan AMISOM oo marayey agagaarka xarunta madaxtooyada ee magaalada Kismaayo waxaana qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay xiray ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ayaa howlgalo ay sameeyeen qaraxa ka dib waxaa ay gacanta ku dhigeen nin watay gaari caasi ah oo  laga dhex helay waxyaabaha qarxa sida uu sarkaal ka tirsan ciidanka DFS u sheegay Radio Kismaayo ,Ciidanka ayaa la wareegay gaariga iyo waxyaabaha qarxa ee saarnaa,waxayna xabsi dhigeen ninkii ay qabteen. 

 Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxaa maanta aad loo adkeeyey amaankeeda iyada oo la wada sugayo in uu magaalada soo gaaro Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon waxaana socdaalkiisa ku wehelin doona qaar ka mid ah golihiisa wasiirada waxaana ka mid ah  wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka, C/llaahi Ciilmooge Xirsi.

Ilaa haatan lama qaran karo khasaaraha uu geystay qarax lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowlada Kenya iyo kuwa DFS oo marayey  agagaarka xarunta madaxtooyada ee magaalada Kismaayo ka dib markii ay xireen dhamaan wadooyinka dadweynihiina ay u kala carareen guryahooda.

Wixii Faahfaahin ah ee ka soo baxa qaraxa waan idiin soo gudbin doonaa inshalaaah.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online