16 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho (Masawiro)

September 8, 2014 - Written by Editor

4Muqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta lagu weeraray kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan AMISOM duleedka magaalada Muqdisho waxaana socdaalka ku weheliyey Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Sidii..Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu weeraray ciidamada AMISOM waxaana halkaas khasaaro balaaran ay ka soo gaartay dad rayid ah oo saaraa laba bas.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye waxaana qaraxa ku dhintay 16 qof oo rayid ahaa oo saarnaa labo gaari oo bas ah waxaana ku dhaawacmay in ka badan 27 qof oo kale dadka dhaawacmay ayaa waxaa la geeyey isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka AMISOM Col Cali Xaamud ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday ciidanka AMISOM ay ku dhaawacmeen laba askari waxaana uu inkiray in khasaaro badan uu gaaray ciidanka AMISOM ama ay la socdeen Saraakiil Cadaan ah.

Dhanka kale Afhayeenka howlgalada ee kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in weerar ay ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo saarnaayeen ciidamo ka tirsan AMISOM iyo saraakiil Cadaan ah ayna khasaaro badan u geysteen balse waxaa beeniyey hadalka Abu Muscab Masawiro ay soo bandhigeen warbaahinta kala duwan ee Soomaaliyeed taas oo laga wada dheehan karay khasaaraha gaaray dadweyne saarnaa laba bas kuwaas oo uu qaraxu haleelay.

no images were found

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online