Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo weerar ku ah degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle

September 30, 2014 - Written by Editor

dfsMuqdisho:-Wararka ka imaanaya gobalka Sh/dhexe ayaa sheegay in Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay kaabiga ku hayaan degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle ee Gobolka Shabeelaha Dhexe. Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxay la wareegeen deegaano ku dhow  degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle waxayna haatan ku sugan yihiin deegaanka Qorilow .

Sarkaal ka tirsan ciidanka DFS ayaa sheegay in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaana ka socda gobalka Sh/dhexe dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM. Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxay mareen saaka wadada xeebta ee ka baxda Warshiikh ee aada degmada Cadale waxaana ay saraakiisha ciidanka DFS ay doonayaan in ay isku furaan wadada dhinaca Xeebta ee Muqdisho iyo Cadale.

Taliyaha ciidamada Milateriga DFS ee Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha hoose Generaal Qaafoow ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay gali doonaan degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle .

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay dhaqdhaqaaqa ciidan ay saaka wadaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online