Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan

September 2, 2014 - Written by Editor

0Hiiraan:-Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa Al Shabaab kala wareegay maanta deegaanno ka tirsan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan waxaana ka mid ah deegaanada ay kala wareegeen deegaanka Baadi Cadde iyo Quracleey oo ka wada tirsan Degmada Jalalaqsi.

Maxamed Weheliye Axmed Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho u sheegay in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay kaabiga ku hayaan Degmada Jalalaqsi.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in ciidanka DFS ay howlgalo ka wadaan deegaanada Baadi Cadde iyo Quracleey oo ka wada tirsan Degmada Jalalaqsi mana sheegin ilaa hada cid howlgaladaas ay ku soo qabteen.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Maxamed Weheliye Axmed ayaa sheegay in howlgalada “Badweynta Hindiya”, ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay ka bilaawdeen gobalka Hiiraan .

Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab waxay ka wadaan gobalada Shabeelada Hoose /Shabeelada Dhexe, Hiiraan iyo gobalka Bakool waxaana ay la wareegeen Degmada Tiyeeglow,Degmada Buule Mareer,Degmada Kuntuwaarey,Deegaanka Fiidow iyo deegaanada Baadi Cadde iyo Quracleey oo ka wada tirsan Degmada Jalalaqsi.

Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa haatan qorsheynaya in ay la wareegaan Degmooyinka Baraawe iyo Jalalaqsi sida uu sheegay Abaanduulaha ciidanka DFS Jen Cabdirsaaq Khaliif Cilmi.

Cabdi Yare
Kismaayo.

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online