Culimo ka socoto Golaha Iimaamyada ee W/Maraykanka oo kormeer ku tegay Gobolka Main.[Masawiro]

September 17, 2014 - Written by Editor

photo 5Lewiston:-Waxaa maalmahan hawlo dacwadeed ku marayay,gobalka Main gaar ahaan magaalooyinka kala ah Portlan iyo Lewiston oo ay ku nool yihiin soomaali gaarayso ilaa 15,000 oo qoys ayaa culumo ay ka mid yihiin Fadilatu Sh.Maxamed Idiris iyo Sh.Abdalla Abul-Fadli oo ka socday Golaha Iimaamyada ee W/Maraykanka.

Gobalka Main ayaa waxaa ku yaala Maraakis ama Masaajid ka mid ah maraakista isu taga masaajida ee Waqooyiga Maraykanka, Maraakistaas oo tiraduudu hada ay tahay 25 Masaajid,oo ku kala yaalo in ka badan 17 Gobal oo ay soomaalidu ka dagto wadankan maraykanka.  Golaha Isu taga masaajida ayaa qayb wayn ka qaatay hirgelinta masaajidan ku yaalo gobalkan.

Gobalkan ayaa wuxuu kamid yahay gobalada ay dagan yihiin dadka cadaanka ah,lagama yaqaan dadka Madow oo loo yaqaan African America Soomaalida ayaa ugu horaysay haddana uguba badan wax African ah amaba Midab madow. Soomaalidu waxay kala kulantay labada magaalabo dhibaatooyin xaga cunsuriyada ah,taas oo sababtay inay ku dhiboodaan xataa inay samaystaan meel ay ku cibaadaystaan.

Waxyaabaha dhacay ee cajiibka ah ayaa waxaa ka mid ah,in duqa magaalada Lewiston uuba yiraahdo waa in dadkan madow oo qaxootiga ah laga raraa Gobaka,Laguna celiya meelihii ay ka soo guureen,taas oo sababtay in dad badan xataa ay uga guuraan magaalooyinka kale.

Ilaahay fadligii atkaysi iyo sabar badan ka gadaale,waxaa Suuro gashay in si fiican loo dago, la iskana difaaco kuwa cunsiriyada ku dhaqmaayo.
Ilaahay wuxuu qadaray in masaajid laga iibiyo bartamaha downtown ka ama farsmagaalaha, taas oo kicisay banaankana u soo saartay nacaybkooda oo ay la soo shaacbaxaan xumantay qarsanayeen iyo cadownimaday u qabayn islaamka iyo ehelkiisa.

Magaalada Lewiston gaar ahaan waa meesha lagu daabaco lagana faafiyo baybalka,iyadoo Gobalka oo dhana uuba yahay Gobal bay bal.
Caradaasi waxay keentay,in muslimiintii oo salaad ku jiro oo sujuudsan in lagu sootuuro madax doofaar oo markaa laga soo gooyay doofaarkii oo dhiigu uu ka da’aayo.

Markii ugu danbaysay waxaa lagu guulaystay in masaajidkii la dhamaystiro,dacwadiina la sii xoojiyo,arintaas sifiica ayaa loogu guulaystay
waxaa cajiib ah in guriga hadda Maajidka laga dhigay oo masaajid ahaan iyo madarasabo loo isticmaalo in laga iibiyay uu iska lahaa duqii Magaalada waana kii markii hore dacweeyay lahaana waa inay guuraan dadkan madow.

Sidoo kale ninkii madaxa doofaarka ku soo tuuray muslimiintii oo tukanayso wuu is dilay oo wuu dhintay,arrimahaas waxay natusinayaan in diintaan illahay aysan jirin cid is hortaagi karto. Hadda masaajidaas waxaa sanad walbo ku xifdiyo qur’aanka rabi arday faro badan,waxaa ka socdo duruus Islaami ah,wuxuu Muslimiinta degan aagaas uu u yihiin hoyga ay ula soo noqdaan umuurahooda aakhio iyo aduunba.

Culimada iyo ducaada joogto magaalooyinkaas waxay juhuudooda isugu geeyeen sidii ay dacwada Saxiixa ah u gaarsiin lahaayeen muslimiinta dagan iyo kuwa aan muslimkaba ahaynba Illaahay ha xifdiyo.  Kormeerkii dacwadeed ayaa wuxuu noogu soo dhamaaday si guul ah,illahay ayaa ku mahad san.

no images were found

Xafiiska Dacwada iyo Iclaanka ee Majliska.
Waqooyiga Maraykanka

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online