Jaamacadda Bariga Afrika Faraceeda Garoowe oo lagu kordhiyey Kuliyadda Caafimaad.[Masawiro]

September 7, 2014 - Written by Editor

5Garoowe:-Waxaa Jaamacada bariga Afrika faraceeda Gobolka Nugaal lagu soo bandhigay kuliyad cusub oo Jaamacada lagu soo kordhiyay oo ah kuliyada caafimaadka ee saraakiisha. Waxaana xafladaan ka soo qayb galay  masuuliyiin ka socotay dowladda Puntland culimo’udiin, Aqoonyahano,dhakhaatiir,arday iyo dadka oo aad u fara badan.

Waxaana ugu horayntiiba Xafladaan ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Gobolka Nugaal Sheekh.Maxamuud Xaaji Yuusuf waxaana uu faah faahin ka bixiyay kuliyadaa iyo dadaalka ay u galeen in loo helo dalkeena waxaana Sheekhu sheegay in ay iska kaashanayaa Jaamacada Bariga Afrika iyo ururka dhakhaatiirta Puntland iyo wasaarada waxbarashada iyo sidoo kale hay’adda Manhal oo ka caawisay dhismaha kuliyadaan.

Waxaa isna goob joog ka ahaa xafladaan Gudoomiyaha guud ee Jaamacadda bariga afrika Aadan Sheekh Doon Cali ayaa sheegay in Kuliyadan ay ugu tala galeen in Jaamacada ay kordhin doonto kuliyadaha kala duwan ee baahiyaha aasaasiga u ah ardeyda ku nool gudaha Puntland. Sidoo kale maamulaha ayaa waxaa uu sheegay in ay u mahad celinayaan cid kasta oo gacan mug leh ka geysatay hirgelinta Kuliyadan Caafimaadka ee Jaamacadda lagu soo kordhiyay.

Waxaa isna dhankiisa ka hadlay Xafladaan  gudoomiyaha dhakhaatiirta Puntland Dr Cartan oo  sidoo kale ka mid ah dhakhaatiirta siin doonta ardaydaan  cilmiga ayaa sheegay in aysan waxba kahagran doonin arday walbana u diyaar garoobo mas uuliyad balaaran  maadaama wax lagu barayo hantidii dalka.

Waxaa sidoo kale isna kahadlay goobta Wasiirka Caafimaadka ee dowladda Puntland Dr Axmed Saadiq Enow waxaana wasiirku halkaas uga mahadceliyay  dhamaan intii  gacan ka gaysatay in ay suurta gasho kuliyadaan caafimaadka waxaana wasiirku xusay in howshaan ay balaaran tahay  wasaaraduna ugu talagashay in la gaar siiyo kun magaalo oo u badan kuwa ka fog laamiga waxaana howshaan gogasha u dhigay tiimkaan maantay ku fakaray in ay noq daan kuwii dhagax dhigay  waxbarahada saraakiisha caafimaadka.

Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng.C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa u mahad celiyay Madaxda Jaamacada Bariga Africa, Hay’adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahaynna ku booriyay in ay howshan gacan ka geystaan.

no images were found

Mu’ssadda Minhaaj
Garowe, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online