Ku Simaha Madaxweynaha oo Baydhabo kulamo kula qaatay odayaal dhaqameedyo Iyo Siyaasiyiin.[Masawiro]

September 2, 2014 - Written by Editor

DSCN0236Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna ku simaha Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari oo maalintii labaad ku sugan magaalada Baydhabo ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay maanta ilaa caawa Odayaal dhaqameedyo iyo siyaasiyiin.

Kulammadan kulankii ugu horeeyey waxa uu ku simaha Madaxweynaha Dalka la qaatay Odayaal dhaqameedyo waaberigii hore ee saakay ayadoo kulankii ku xigayna uu la qaatay siyaasiyiin waxaana kulammadaasi oo ahaa kulammo wadatashi ah ay soo gaareen ilaa fiidnimadii hore ee caawa.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo markii kulammadaasi ay soo gebageboobeen kadib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in kulammadu ay dhammaantood qeyb ka yihiin socdaalka uu ku joogo magaalada Baydhabo islamarkaana uu qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolladan kala hadlayey sidii ay aragtidooda u mideyn lahaayeen kadibna u sameysan lahaayeen maamul ay ku mideysan
yihiin.

Ugu dambeyntii ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xusay in kulammadan ay sii socon doonaan maalmaha soo socda oo uu Baydhabo ku sugnaanayo waxaana uu rajo ka muujiyey iney kulammada wadatashiga ah ka soo baxaan natiijo horseeda aragti mideysan.

no images were found

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
ee Guddoonka Baarlamaanka

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online