Ku-xigeenka Ergayga gaarka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo soo dhowaysay Shirka dib-u heshiisiinta Kismayo

September 17, 2014 - Written by Editor

MakeThumbnailKismayo, 17 Sebtember 2014 – Ku-xigeenka Ergayga-Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (DSRSG), Fatiha Serour, ayaa soo dhowaysay Shirka  dib-uheshiisiinta  ee ka bilowday Kismayo, maadaama uu shirka yahay talaabo loo qaaday dhinaca  wanaagan laguna adkaynayo nabadda gobolka, sidoo-kalena lagu horumarinayo habka qaran dhiska Soomaaliya.

Shirka, oo uu Madaxwayne  Xasan Sheikh Maxamud, u furay si rasmi ah, 16 Sebtember, ayaa lagu wadaa in lagu horumariyo guuliyii ka dhashay Heshiiskii lagu saxiixay Addis Ababa bishii Agoosto 2013 iyo heshiiskii lagu saxiixay Shirkii dib-u heshiisinta Jubba, saxiixaas oo ka dhacay Muqdisho bishii Nofember 2013.

“Dadka iyo Madaxda Maamulka ku-meelgaarka ah ee Jubba waxay si cad u doonayaan nabad, shirkan dib-uheshiisiintuna wuxuu ka turjumayaa rabitaankaas,” ayay tiri Ku –xigeenka Ergayga Gaarka ah, Fatiha, furitaankii shirka.

“… Waxaan ku guubaabinayaa dhamaan ka qayb-galayaasha shirka in ay abuuraan jawi u suurta gelinaya shirka in ay ka soo baxaan  qaraaro ay u wada dhanyihiin dhamaan dadka ay arrintu khusayso- sida haweenka,  dhalinyaradda,  odayaasha dhaqanka, ayada oo aan loo eegaynin sida ay tahay xaladooda  bulsho amaba dhaqaale– waana in ay  ka qayb-qaataan habka nabad soo celinta iyo qaran dhiska guud ee  ummadda Soomaaliya.

“Habkan dib-uheshiisiinta ahi wuxuu  kale oo uu muhiim u yahay sidii Maamulka ku- meelgaarka ah ee Jubba  uu u samaysan lahaa qorsho-howleed uu kor oogu qaadayo wacyigiisa ama awoodiisa  waxqabad- waxaana loo baahan yahay in la gaaro guulo waxtar leh si horay loo gu mariyo habka maamul dhisidda”, ayay tiri.

DSRSG, Serour, waxay u mahad celisay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Hogaamiyaha Maamulka ku meel-gaarka ah ee Jubba, Sh.Axmed Islan Axmed Madobe,  iyo Maamulkiisa, iyo jaalayaasha kale ee  ka socday bulshada caalamka, sida Urur Goboleedka IGAD, Jabaan,  Ururka Midowgga Yurub,  Turki, Italy, ku waas oo suurta geliyay in uu qabsoomo Shirka dib uheshiisiinta iyo taageeridda ay taageerayaan himilooyinka dadka Soomaaliyeed  ee ku aadan  naba samaynta.

Dhamaad

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online