Madaxwaynaha dowladda Puntland oo maanta booqday xarunta lagu hayo dadka dhimirka ah ee Garoowe.[Masawiro]

September 5, 2014 - Written by Editor

6Garowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Booqasho rasmi ah ku tagay xarunta xanaanaynta dadka qaba cudurka Dhimirka ee Nasrullah oo ku taala Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland. Maamulka iyo Howlwadeenada Xaruntaasi ayaa Madaxwayne Dr. Gaas Halkaasi ku soo dhaweeyay iyagoona uga warbixiyay xaalada dadka dhimirka ka xanuunsan ee halkaasi lagu xanaaneeyo ,waxana ay uga mahadceliyeen Madaxwaynaha booqashadu uu ku tagay halkaasi.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa mudadii uu ku sugnaa Gudaha Xaruntaasi La kulmay dadka dhimirka la’a isagoona dhamaan kala sheekaystay Xaaladooda,sidookale waxa uu booqday Qololkoodi Jiifka iyo Goobihii loogu talagalay in ay ku cunteeyaan.

‘’Dhakhaatiirtu Howl adag ayay Wadanka ka hayaan laakiin waxaan jeclaan lahaa kuna boorinayaa in wakhti gaar ah galiyaan Dadka qaba xanuunka dhimirka,gaar ahaan Dhakhaatirta takhasuska ku ah Xanuunada Dhimirka ‘’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

Shacabka Puntland ayuu Madaxawayne Gaas waxa uu ugu baaqay in ay ka qayb qaatan kaalmaynta Dadkaan,isagoona kula dardaarmay inaysan dhibaatayn balse ay ku dadaalan xanaanayntooda,waxana uu dhankiisa balan qaaday in uu gacan wayn ka gaysanayo sidii wax loogu qaban lahaa.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online