Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo gaaray Kismaayo

September 16, 2014 - Written by Editor

XasanKismaayo:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan gaaray magaalada Kismaayoee xarunta gobolka Jubbada hoose, iyadoo halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Wafdiga Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu ka degay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo waxaa si weyn u soo dhaweeyey Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaan Ax med Madoobe iyo ku xigeendiisa , Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo wafdiga madaxweynaha kaga sii horeeyey magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu furi doonaa  wajigii labaad ee shirka dib u heshiisiinta dadka dega gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo saaka ka furmay Kismaayo.Ciidanka maamulka KMG ee Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa adkeeyey amaanka wufuud soo gaaraya Kismaayo gaar ahaan madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socda.

Wajigii labaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha dega gobollada jubbooyinka iyo Gedo ayaa furitaankiisa waxaa ka soo qayb galay wakiilka IGAD, xubno ka socda Qaramada midoobay iyo beesha caalamka iyo Midowga Yurub.

Wixii soo kordha kala soco Halgan.net

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online