Ra’iisal wasaaraha DFS iyo wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay dalka Ingiriiska

September 15, 2014 - Written by Editor

yuulkaMuqdisho:-Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u dhoofay dalka Ingriiska si ay uga qayb galaan shir looga hadlayo tayo gelinta ciidanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya shirkaas oo maalinta beri ah furmi doona.

Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa inta uu ka dhoofin garooonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa uu saxaafadda u sheegay in uu dalka Ingriiska uga qayb geli doono shir muhiim ah oo looga hadlayo siddii loo tayo gelin lahaa ciiidanka Soomaaliya isagoo xusay in shirkaas ay muhiim u tahay dowladda soomaaliya. Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiirrada gaashaandhigga iyo wasiirka warfaafinta ee DFS iyo saraakiil kale.

Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiwali Sh.Axmed oo safar shaqo shalay ku gaaray magaalada Baydhabo waxaana uu soo furay shirka dib u  heshiisiinta ee Gobollada Bay iyo Bakool iyo Shabeellaha hoose  lana doonayo in lagu xaliyo khilaafdka ku dhex jira  Siyaasiyiinta Goboladda Bay iyo Bakool ee ku aadan maamulka Koonfur Galbeed ee la doonayo in la dhiso.

Shirka ka dhici doona magaalada London  ayaa waxaa ka soo qayb geli doono deeq bixiyaal , xubno ka tirsan beesha caalamka ee taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingriiska.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online