Raisulwasaaraha DFS oo si adag uga hadlay qaraxii ka dhacay duleedka Muqdisho

September 8, 2014 - Written by Editor

yuulkaMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa cambaareeyay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee kooxda Al-shabaab maanta ka fulisay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dilay dad shacab ah oo waxba galabsan kuwa kalana lagu dhaawacay.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay inuu si adag u cambaareynayo falka, isagoo ku tilmaamay mid waxashnimo ah. Wuxuuna tacsi u diray ehelkii dadkii ku dhintay falkaas, kuwii ku dhaawacmayna wuxuu alle uga baryay in uu caafimaad siiyo.

“Waxaan weydiisanayaa shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan kana hortagaan argagaxisada, si ay dadkeennu ugu noolaadaan nabad iyo heshiis,” ayuu yiri R.W C/weli isagoo intaas ku daray: “Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo ehelladii dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkaas.”

“Weerarkani wuxuu daliil u yahay inay quus taagan yihiin argaggixisadu, kuwaas oo waayey dhammaan meelihii ay awoodda ku lahaayeen. Wuxuuna yimid kadib markii aan kaga guulaysanay nabad diidka goobaha dagaalka, sidoo kalana aanu dilnay hoggaamiyahoodii, mar walba oo la wiiqo awoodooda waxay bilaabaan inay beegsadaan shacab aan waxba geysan. Hore ayaannu u soconnaa, ” ayuu yiri. Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay digniin la xiriirta weeraro fulaynimo oo kooxaha Nabad-diidku ka geystaan dalka, kuwaas oo ay ku bartilmaameedsan karaan laamaha dowladda iyo dadka shacabka ah maadaama uu gaaray jab-xooggan.

–DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online