Sheekh Dr.Axmed Maaxi oo baaq iyo waano u diray umada Soomaaliyeed

September 11, 2014 - Written by Editor

Dr_NMecca:- Sheekh Dr.Axmed Maaxi wuxuu ka mid yahay culimada waawayn ee Soomaaliyeed mudo ka badan 40 sano ayuu deganyahay dalka Sacuudiga Sheekhu wuxuu ka qalin jebisay jaamacadda ku taala Al-Madiina Al-Munawara (Jaamaca Al-Islaamiya) sanadkii 1975 kadibna Master ka iyo PHD wuxuu ka qaatay Jaamacadda Umul-Quraa ee Makkah Al-Mukarama haddana wuxuu bare ka yahay Mahcad la yiraaho Daarul-Xadiith ee ku yaala Makkah Al-Mukkarama ayaa maanta kalmad u jeediyey koox ducaad ah oo gurigiisa Makkah ku soo booqtay wuxuu Sheekhu baaq u diray culimadda Soomaaliyeed waxaanu ugu baaqay inay umadda Soomaaliyed ka gaadhsiiyaan in casabiyadda Qabiilka ee laga hormarinayo aayadaha Alllah swt iyo sunadda Nebiga SWC ay qofka gaarsiin karto shirki ayna tahay arrin aad u khatar badan ah oo Xaaraan sidaa daraadeed waxaa loo baahanyahay in ummadda Soomaaliyeed ay ka waantoobaan Allahna uga tobaan keenaan kuna baraarugaan dhibka iyo halaaga ay ka dhaxleen aduukna tii aakhirna ay sugayso.(Waxaa intaa ku dhan baaqii uu Sh Dr Axmed Maaxi u dirayey culimadda iyo shacabka Soomaaliyeed).

Sida ay sheegeen culimadu waxaa hubaal ah in qalbiga aanay ku kulmi Karin Tawxiid khaalis ah iyo tacasubka Qabiilku Tawxiidku wuxuu qofka farayaa inuu Allah keliya u hogaansamo tacasubka Qabiilkuna wuxuu farayaa in tolka iyo qabiilka loo hogaansamo hadii markaa qofku uu yeelo tii Qabiilku farayey waa halka uu Sheekh Maaxi ka digayo.

Baaqan iyo Qayla dhaanta uu Sheekh Dr Axmed u dirayo umadda Soomaaliyeed gaar ahaan culimadda oo uu ku baraarujinayo inay arrinkaa aad uga hadlaan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa ololayaal meela badan ka socda oo la doonayo in aafadda Qabaliyadda sida xun loo adeegsaday xal waara loogu heli-lahaa sida ololihii laga bilaabay bishii Augt-2014 dalka ingiriiska ee ay soo qabanqaabiyeen Mu-asasadda Al-Irshaad waxaana la filayaa iney bishan gudaheen markale kulan u qaban doonaan xubihii balanqaaday iney ololahaa ka qayb qaadan doonaa.

Ugu danbayntii waxaa hubaal ah iney jiraan dad aad u farabadan oo wanaaga jecel Qabyaaladdana u arka iney tahay mushkiladda ugu way ku habsatay umadda Soomaaliyeed hadii la is kaashado Allahna la talla saarto wax wayn ayaa la qabankaraa mushkilada qabyaalada oo diin iyo dowlad aan ku weynay codawgiina aan u gacan galnay.

Halgan.net- Makkah.

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online