Siyaasiyiin, Saraakiil, Ganacsato iyo Aqoonyahanno gaaray degmada Garbahaareey (Masawiro)

September 23, 2014 - Written by Editor

20140923_152431Gedo:-Ergooyin isaga kala yimid dalka gudihiisa iyo Dibeddiisa iyo qaar kamid ah  deegaanada gobolka Gedo ayaa ku qulquleysa magaalada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo, iyadoo ay socdaan qaban qaabadii u danbeysay shirweynaha wadatashiga dadka dagan gobolka Gedo.

In ka badan 500 ergo oo ka kala socota deegaanada iyo degmooyinka gobolka Gedo iyo dalka dibeddiisa ayaa qorshuhu yahay in ay ka qeyb galaan shirkan, iyadoo dadku wadatashi guud ka yeelanayaan arrimaha Siyaasadda, dhaqanka iyo midnimada. Diyaarado wada ergooyin ayaa  maanta labo jeer gaaray degmada Garbahaareey, iyadoo magaalada laga dareemayo qaban qaabo xoogleh oo ku aadan shirweynahan.

Gudiga farsamada ee loo saaray shirka ayaa soo gaba-gabeeyay shalay gelinkii danbe wada la tashiyo ku aadan dhinacyada ka qeyb galaya shirka, waxaana uu wadaa diyaarinta meelihii la dejin lahaa ergooyinka iyo wixii tasiilaad ee ku saabsan qabsoomida shirweynaha.

Siyaasiyiin, odayaal dhaqameedyo, aqoonyahano iyo dad u badan qurba-joog ayaa gaaray magaalada Garbahaarey, si ay uga qeyb galaan shirweynahan, waxana wafdiga maanta gaaray kamid ah, General Cali Madoobe, Dr. Cabdi Shire Warsame, Ganacsade, C/laahi Amko, iyo siyaasiyiin kale oo dhammaantood ka qeyb galaya shirkan.Iyadoo geesta kale ay maalinta bari ah soo dhamaystirmi doonaan wafdigan oo Muqdisho ka imaaan doonaan Xildhibaanno, iyo Xubno ka tirsan Xukuumadda oo shirka ka qeyb galaya.

no images were found

Shirka ka dhici doono Garbahaareey ayaa aad loo hadal hayay maalmihii u dambeeyay, waxaana magaalada ka socda diyaar garow iyo howl galo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Ahmed Mohamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online