Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo dhismo ku wareejisay Jaamacadda Bariga Africa Faraceeda Qardho. [Masawirro]

September 1, 2014 - Written by Editor

SONY DSCQardho:-Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa maanta dhismo ka kooban labo dabaq ku wareejisay maamulka Jaamacadda Bariga Africa faraceeda Qardho waxaana  dhismahaan isugu jiraan Fasalo waxbarasho,Xafiisyo Maamul,Qolalka Jiifka iyo Cuntada,Labareeri iyo Howlala shirarka loogu talagalay in lagu qabto waxaana munaasabadii lagu wareejinayey Dhismahaani ka soo qeyb galay Agaasimaha waaxda Tayo dhowrka iyo Kormeerka guud ee Wasaaradda Waxbarashda, Maamulka Dowladda Hoose Qardho,Gudoonka Waxbarashada Degmada Qardho,Maamulka Jaamacadda Bariga Afirca faraceeda Qardho,Xildhibaano ka
tirsan Baarlamaanka Puntland.

Agaasimaha waaxda Tayo dhowrka iyo Kormeerka guud ee Wasaaradda Waxbarashda C/qaadir Yuusuf Nuur oo ka hadlay Dhismaha lagu wareejiyey Maamulka Jaamacadda Bariga Africa ayaa sheegay…”Maanta aad baan ugu faraxsanahay in aan halkaan isugu nimaadno annaga oo ka tashaneyno Tayenta waxbarashada Degmada Qardho,dhismaha aan fadhino waa dhisme loo dhisay looguna talagalay in Waxbarashda Gabdhaha kor loogu qaado,laakiin Mashruucaasi woo socon waayey sabababo jiro awgeed,waxaa codsi soo gudbiyey Aqoonyahanka,Nabadoonada Xildhibaanada in dhismahaan lagu wareejiyo Jaamacadda Bariga Africa Faraceyda Qardho, iyadoo Wasaaradda ka Jawaabeyso Codsigaasi waxaaa si kumeel gaar ah muddo saddaxsano sano loo ogalaaday in Jaamacadda ay isticmaasho Dhismahaan iyo Dhammaan qalabka ku jira…”ayuu yiri C/qaadir Yuusuf Nuur.

Xoghaya Dowladda Hoose Qardho Maxamuud Maxamed Shire oo goob joog ka haan dhismaha lagu wareejiyey jaamacadda ayaa sheegay in dadaal badan ay u gashay Dowladda Hoose Qardho sidii loo hirgalinlahaa dhismahaani,waxana la dhisay 2007-dii iyadoo markaasi laga lahaa in laga dhigo Goob si gaar ah wax loogu baro Gabdhaha waxaa loo dhameyntiray wax walbo oo markaasi loo bahnaa hadii ay ahaan laheyd Fasalo waxbarasho,goobo jiif ah,Garoon lagu ciyaaro,laakiin barnaamijkaasi woo soconwaayey…

”Maadaama dhismahaan loo dhisay Waxbarashada gabdha arintaasina ay suuroowi weyday waxaa la isla gartay in dhismahaan lagu wareejiyo Maamulka Jaamacadda si kumeelgaar ah,Jaamacadda waxa ay ku jirtaa guryo kiro ah oo aan munaasab ku aheyn waxbarashada Sare,waxaa si gaar ah ugu mahacelinayaa Wasaradda waxbarashda oo ka jawaabtay codsigii Bulshada Qardho oo ahaa in dhismahaani lagu wareejiyo Jaamacadda…”ayuu yiri Xoghaya Dowladda Hoose Qardho.

Cali Maxamed Cali Maamulaha Jaamacadda Bariga Africa Faraceyda Qardho ayaa Wasaaradda waxbarashda iyo cidwalbo oo ka qeybgashay wareejinta dhismahaani
u mahadceliyey waxa uuna sheegay…” Aniga oo ku hadlayo Magaca Maamulka Jaamacadda Bariga Africa farceeda Qardho,waxaa ballan qaadeynaa in dhismaha
iyo qalabka nalagu wareejiyey in aan u isticmaalo sida ugu quruxd badan in aan ugu faa’iideysano,Jaamcaddu waa halbowlo muhiim ah oo hormarka
magaalada aad ugu qeybqaata waxaana sanadkaan ka qalin jabineyso Dufcaddii ugu horeysay,sidaa daraadeed waa muhiim in Jaamacadda ay hesho Dhismo ay ku
shaqeyso ayuu hadalkiisa ku sheegay……”Cali Maxamed Cali.

Jaamacadda Bariga Afirca Faraceeda Qardho ayaa in muddo ah waxa ay ku jirtay dhismo kiro ah,waxaana aqoonyahanka Qardho ay dadaal u galeen sidii dhismo loogu helaa jaamacadda,waxana arintaasi si weyn u soo dhaweeyey Bulshada ku nool magaalada Qardho. Dhismahaan lagu wareejiyey Jaamacadda Bariga Africa waxaa Goob joog ka ahaa Mas’uuliyiintaan kala ah:-

1. Agaasimaha waaxda Tayo dhowrka iyo Kormeerka guud ee Wasaaradda Waxbarashda  C/qaadir Yuusuf Nuur

2. Xildhibaan Baarlamaanka Puntland C/risaaq Muuse Maxamuud.

3. Xildhibaan Baarlamaanka Puntland C/rashiid Siciid Maxamuud.

4. Gudoomiyaha Hey’adda PDO Shiikh C/qaadir Yaasiin Ow-Maxamed.

5. Xoghayaha Dowladda Hoose Qardho Maxamuud Maxamed Shire.

6. Maamulaha Jaamacadda Bariga Africa Qardho Cali Maxamed Cali.

7.Gudoomiyaha Gudoonka Waxbarashada Degmada Siciid Maxamed Faahiye.

8.Xildhibaan Golaha Deegaanka Qardho Cabdi Faarax Maxamed.

9. Waxgaradka Magaalada Faarax C/llaahi Cumar.

10.Maamulihii Hore Xarunta maanta la wareejiyey Xaliimo Siciid Maxamed.

no images were found

C/raxman Maxamed Cali (Black)
Qardho-Karkaar-Puntland-Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online