Wafdi ka kooban Wasiiro iyo Saraakiil ciidan oo xalay gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug

September 27, 2014 - Written by Editor

ggGaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay ay magaalada gaareen ciidamo uu la socdo wasiirka amniga ee Puntland  Xassan Aloore , Wasiirka waxbarshada Dr. Cali Xaaji Warsame iyo Taliyaha ku xigeenka ciidanka daraawiishta ee Puntland. Wafdiga xalay gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo beegmaya xili galabta uu gaaray Koonfurta magaalada Gaalkacyo madaxweynaha Gal-Mudug  Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid  oo safar dhulka ah  kaga yimid degmada Cadaado.

Socdaalka Wasiirka amniga Xassan Aloore iyo Taliyaha ku xigeenka ciidanka Daraawiishtu ay ku gaareen magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay ku soo beegmaysa sidoo kale kulan ay maanta Golaha wasiiradda ee Puntland iyo saraakiisha ciidanku ay ku shireen magaalada Garoowe iyadoo looga hadlay khilaaf dhinac duulimaadyada diyaaradaha ee Garoomada Gaalkacyo oo u dhexeeya Gal-Mudug iyo Puntland.

Wafdiga xalay gaaray Gaalkacyo oo ka kooban Wasiirka Waxbarashada Puntland, Wasiirka Amniga Puntland, Wasiirka Duulista hawada Puntland, Wasiir xigeenka Hawlaha Guud, ayaa waxaa kulan ay la leeyihiin Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, Ku xigeenka Duqa Degmada, Xildhibaanada Golaha Deegaanka, Saraakiisha Ciidamada Booliska, Daraawiishta iyo Nabadsugida.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa laga dareemayaa sansaan colaadeed walow waxgaradka , Nabadoonada iyo culimadu ay ku baaqayaan in laga fogaado colaad iyo dhibaato la dhex dhigo beelaha walaalaha ah ee wada dega Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalakacyo.

Xirir aan la samaynaya magaalada Gaalkacyo ayaa xaaladeedu tahay mid caadi ah mana jiraan wax colaad ah , marka laga reebo hadalo colaad xanbaarsan oo siyaasiyiin ka wada tirsan Gal-Mudug iyo Puntland ay isku mariyeen hawada, Xaalada Garoomada Gaalkacyo ayaa ah mid caadi ah oo ay saaka ka dhoofeen diyaaraduha ayna  ka soo dageen sidda uu noo sheegay qof xogogaal ah oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

M_ M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online