Abu Xafsa Al-Muritaani oo wareysi siiyey Tv Alaan kana hadlay Daacish.[Daawo]

November 23, 2014 - Written by Editor

abuuAbu Xafsa Al-Muritaani محفوظ ولد الوالد oo ahaa ninka 3aad ee Ururka Al-Qacida masuulna uga aha Hay’adda Sharciga ee Fatwada ayaa wareysi dheer siiyey Tv-ga Alaan. waxaana uu si gaar ah uga hadlay khilaafada Islaamiga ah ee uu sheegtay Amiirka kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baqdaadi. Abu Xafsa Al-Muritaani محفوظ ولد الوالد ayaa sheegay in ay waajib tahay in muslimiinta soo celiyaan khilaafadii Islaamka balse wuxuu sheegay in howshaas ay tahay mid muhiim ah balse Abu Bakar Al-Baqdaadi iyo kooxdiisa ay ku khaldan yihiin in ay sheegtaan in ay iyagu kaliya yihiin kooxda kaliya ee xaqa ku taagan amiirkoodana uu yahay khilaafa Islaamiya.

Abu Xafsa Al-Muritaani محفوظ ولد الوالد ayaa waxaa uu sheegay mar la weydiiyey Al-Baqdaadi in uusan aqoon u lahayn badan balse Khilaafada uu sheegtay ay tahay mid aan buuxin Shuruudihii laga rabay mana jirto ayuu yiri cid Ahlu xal walcaqdi oo bayco la gashay amiirka kooxda Daacish.

Abu Xafsa Al-Muritaani محفوظ ولد الوالد “أبو حفص الموريتاني ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Daacish ay xitaa ka soo horjeesteen wadaado tayaarka Jihaadiga iyo Al-Qaacida aad ula dhacsanaa sidda Abu Maxamed Al-maqdasi iyo Abu Qataada Al-Falastiini iyo wadaado kale .

Abu Xafsa Al-Muritaani ayaa sheeegay in sheegashada Abu Bakar Baqdaadi iyo kooxdiisa Daacish in Al-Baqdaadi uu yahay Khilaafada Muslimiinta uu sababay in Daacish iyo kooxaaha kale ay ku dagaalamaan dalka Suuriya taasna ay fursad siisay dowladda Suuriya.

Abu Xafsa Al-Muritaani محفوظ ولد الوالد “أبو حفص الموريتاني ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Daacish dhowr mar ay ugu yeereen in shareecada lagu kala baxo balse ay diideen waxaa kale uu wax laga yaabo ku tilmaamay dilalka iyo qoorgo,ynta laga soo sheegayo kooxda Daacish.

Abu Xafsa Al-Muritaani محفوظ ولد الوالد “أبو حفص الموريتاني ayaa wuxuu cadeeyey in aysan banaaneyn dilka wariye iyo madaxda ha,yaddaha gargaarka hadii aysan ku cadaan in ay gaalo la shaqeystaan.

Abu Xafsa Al-Muritaani ayaa waxaa kale oo uu si gaar ah uga hadlay khilaafka u dhexeeya kooxda Daacish iyo Al-Qaacida isaga oo ka taariikheeyey qaab uu u bilaawday iyo halka uu haatan marayo.

Abu Xafsa Al-Muritaani محفوظ ولد الوالد ayaa cadeeyey in kooxaha Islaamiyiinta ah ee hubka qaaday ee dagaalada wada ay galeen Khaladaad waaweyn oo ay ugu horayso Gaalaysiinta dadka Muslimiinta ah iyo weliba in ay banaystaan dhiiga Kooxaha ka fikriga duwan , ayna sameeyeen dilal qorshaysan oo lagu laayo dadka Muslimiinta ah arrinkaas oo aad uu uga digay kooxahaas isagoo ugu baaqay in Alle ay ka cabsadaan oo falalkaas guracan ay ka laabtaan.

Abu Xafsa Al-Muritaani محفوظ ولد الوالد ayaa waxaa uu ka sheekeeyey in mar uu joogay magaalada Bishaawir ee dalka Pakistan ay dhacday in koox ay ku dhawaaqaday in ay tahay Khilaafadii Muslimiinta taasna ay sababtay in ay daadiyeen dhiig badan oo Muslin ah fasaad badan uu ka dhashay markii danbena hogaamiyihii kooxdaas uu Qoxootinimo iskaga dhiibay dalka Ingriiska howshiina halkaas ku soo dhamaatay.

Abu Xafsa Al-Muritaani محفوظ ولد الوالد ayaa wax lala yaabo oo shareecadda Islaamka aysan waafsanay ku tilmaamay in dad Muslimiin ama Kooxaha Islaamiyiin ah oo uu ula jeeday wax ka socda Suuriya , Ciraaq,  in ay dhexdooda ka dagaalamaan ka dibna ay dadkii ay kala qabsadeen la dilo arrinkaas oo Abu Hafsa ku tilmaamay mid khilaafsan diinta Islaamka.

Abu Xafsa Al-Muritaani محفوظ ولد الوالد ayaa ku celceliyey in ay sina u baananay in haddii dad Muslimiin ah ay dhexdooda ka dagaalamaan qof muslin ah intii la qabo la dilo ama la dhaawac tiro ama hadii uu cararo la daba galo.Halkaan ka eeg waraysi hore ee Tv-Aljazeera la yeeshay Abu Xafsa Al-Muritaani محفوظ ولد الوالد 

Hoos ka daawo Abu Xafsa Al-Muritaani oo wareysi siiyey Tv Al-Akhbaar kana hadlay Kooxda Daacish

Waxaa Tarjumay C/Casiis Maxamed
Source Alaan.tv
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online