Casriyeynta diinta hummaag lagu hungoobey! 3aad W/Q Sh Fu’aad Maxamuud

November 26, 2014 - Written by Editor

shfuaadBoosaaso:-Dhulka muslinku dego wuxuu ahaa mid loo diyaariyey dhalan rog, dhaqan dooris & marin habaabin arrintaas oo uu horseed u ahaa gumaysigii qabsaday dhulweynaha islaamka ilaa laga soo gaaray dhammaadkii waxa loo yaqaan dagaalkii 1aad ee dunida xilligaas oo la qaybsaday dunidii muslinka ahayd wixii harsanaa, waxaa qayb libaax qaatey Ingiriiska, faransiiska ayaa isaguna dhul badan haystay, Talyaaniga ayaan isaguna ka maqnayn dullaankaas.

Haddaba Isticmaarku wuxuu awoodda saaray intii uu haystay dunida muslinka ah qodobbo ay ugu muhiimsanaayeen.

1. Dhiirri gelinta kiristaamaynta dadka muslimiinta ah.

2. Kala saaridda xukunka ama siyaasadda iyo diinta islaamka (Faslu Alddiin cani Aldawlah) iyo in gebi ahaan la tuuro ku dhaqanka axkaamta diinta, dhanka kale buun buuninta aragtiyaha diin diidka ah (Alcilmaaniyah) iyo in laga ilaaliyo in dadku dib u baraarugaan oo ay u noqdaan kitaabka iyo sunnada.

3. Soo saaridda jiil ka mid ah muslimiinta laakiin xambaarsan aragti reer galbeed aadna uga fog qabka (caqiidada) & sooyaalkii ummadda muslinka ah, waxaa taas barbar socdey in kuwaas laftooda laga sii xulo inta labeenta ah si loogu dhiibo hoggaanka marka isticmaarku ka baxo dalalka muslinka ah si ay u kobciyaan xumaanta iyo diin la’aanta.

4. Hagidda manhajka wax barashada & barbaarinta, sidoo kale saxaafadda iyo suugaanta bulshooyinka muslimka ah si loogu yeelo waji reer galbeed oo ka fog dhaqanka islaamka.

5. Horjoogsiga wax walba oo tilmaamaya baraarug diineed hadday tahay xagga garaadka, siyaasadda, dhaqaalaha & ciidankaba si muslimiintu u ahaadaan kuwo dhinacyadaas ka martiya reer galbeedka.

6. Soo noolaynta bidcooyinkii hore, shaki galinta bulshada, buunbuuninta dadka wada waxyaabaha silloon.

7. Soo muujinta aragtiyaha & falsafadaha reer galbeedka sida shuuciyadda, maarkiisamka, hantiwadaagga iwm.

Duruufta noocaan ah ayaa abuurtay qallooca diineed ee ka soo mug yiri bulshada muslinka ah dhexdeeda, kooxaha leexday ee ilaa hadda noloshu ku sii jirto waxaa ka mid ah.

Qur’aaniyiinta
Qur’aaniyiinta dadka u dhabbogalay waxay sheegeen in ay ka dhasheen dhaqdhaqaaqii Axmed Khan marka laga eego waxyaabaha ay ku khilaafeen Ahlusunnaha .

Meelaha ay aadka ugu badanyihiin waxaa ka mid ah Qaaraddii la oran jirey Hindiya, sidoo kale waxay ka jiraan Masar iyo xoogaa teel teel ku ah dhulka islaamka, raggii ugu caansanaa ee hogaamiyey waxaa ka mid ahaa.

1. Abdullah Chakralawi: Wuxuu ku dhashay Bakistaan gaar ahaan Bunjaab 1830kii, wuxuu aad ugu fashilmay wax barashadiisii xilligii uu baranayey cilmiga xadiiska kaddibna waxa uu la soo booday Qur’aanka kaliya ayaa nabiga SCW loo waxyooday wax sunne la yiraahdaana ma jiraan, wuxuu aad ula diriray sunnada iyo culimadii xadiiska ee Hindiya, wuxuu xiriir dhow la lahaa Ingiriiska, waxaa kale oo calanka u qaaday rag ay ka mid yihiin Alkhawaja Ahmad din, Ghulam Ahmed Pervez iyo rag kale.

2. Ahmed Subhy Mansour: Wuxuu ku dhashay Abuxariir oo ah bariga Masar taariikhdu markay ahayd 01-March-1949kii, wuxuu wax ku bartay Azhar markii dambena wuxuu ka noqday macallin, siddeetamaadkii ayaa laga cayriyey Azhar kaddib markii uu inkiray Sunnaha nabiga SCW, wuxuu u safray dalka maraykanka laakiin muddo yar kaddib ayuu dib ugu soo laabtay Masar, wuxuu madax ka noqday xarunta Ibnukhalduun laakiin manhajkiisa gurracan dartiis waxay dani ku khasabtay in uu ku laabto Ameerika halkaas oo uu macallin ka noqday jaamacadda Harvard, halkaas oo uu ka aasaasay xarunta Qur’aanka ee caalamiga ah, ninkaani wuxuu madax u yahay ama hormuud madarasada qur’aaniyiinta ee xilligaan wuxuu kaloo ku caanbaxay la dagaallanka ururada islaamiga ah, ninkaani wuxuu caan ku yahay waxyaabo uu ku hareermarsanyahay muslimiinta, waxaa ka mid ah tilmaamaha qalloocan ee ninkaan kuwa soo socda.

• Nabigu SCW ma ahayn ummi (mid aan qorin oo aan akhrin), taas oo khilaafsan xitaa Qur’aanka uu isagu u yaqaan meesha kaliya ee diinta laga qaato.

• Gaalnimada waxa uu u qaybiyey labo nooc mid dhaqan ah (Suluuki) iyo mid caqiido ah (Caqaa’idi) taasina waa mid hareer marsan qaybinta Ahlusunnaha.

• Wuxuu yiri in Nabiga SCW oo rasuulnimo loo qiro Ataxyaatiga salaadda dhexdiisa waa shirki waayo salaadda waa in Alle kaliya lagu xusaa ayuu leeyahay, Yaab!!.

• Sidoo kale wuxuu diiday in Aadaanka salaadda lagu daro nabiga SCW waayo wuxuu yiri waa shirki.

• Wuxuu diiday In Nabi Muxamed SCW uu ambiyada u fadli badanyahay.

• Wuxuu yiri waxaa la xajin karaa bilaha xurmada leh ee afarta ah hadba tii la doono ee Dilxijah waxba kuma gaar aha.

• Waxaa bannaan ayuu yiri in gabadha Muslimadda ah ay guursan karto nin Yahuudi ah ama Kiristan ah!!.

Ninkaani waa nin aad u yaab badan oo aan marna ka xishoon qallooca uu damco, Kutubta uu qoray waxaa ka mid ah kitaab la yiraahdo Xadka riddada (Xaddu Alrriddah) ama (Xaddu Alridah Almazcuum), Kitaabkaan waa gundhigga dhabta ah ee kitaabka Xadka riddada maxaa ka run ah, waxaa la oran karaa qoraaga soomaaliyeed wuxuu afsoomaali u rogay ama soo turjumay buugga Axmed Subxi ee aan kor ku soo sheegay, kaligii ma aha cidda diidday xukunka riddada laakiin waa ninka u dhigay see adag in lagu dhiirrado oo la soo bandhigo diidmada xadkaan, waa ninka ku baaqay in la helo rag aad u dhiirran oo qar iska xoornimo isa soo mutuxa oo aan u aabbayeelin mawjadaha ka soo rogmi doona muslimiinta diintooda lagu ciyaarayo, ninkaani wuxuu saaxiib dhow la ahaa Dr. Faraj Fowdah oo ay ku heshiiyeen 1992dii in ay wada samaystaan xisbi loogu magac daray Xisbiga Mustaqbalaka (Xizbu Almustaqbal) .

Run ahaan markaad isku daydid in aad fir sooc u samaysid dadka Maanfuulka ah waxaa kuu soo baxaya in qoloba qolo ka farcantay ayagoo kala magac duwan oo kala jinsiyad duwan, dhanka kale waxay qolyahaanu waligood ku caana maali jireen in ay la jaan qaadaan qolada casriga la joogo u itaal roon iyo in ay ku guuraan dad muslimiin ah oo fidnaysan iyo kuwo moogayaal ah oo wax walba khayr moodaya!!.

Marka geelu uu dhaameel iyo doog helo oo uu barwaaqo darteed naaxo ayaa wiilka geeljiraha ahi asaga oo marna ku faraxsan quruxda geela marna hogatusaalaynaya in uu isagu qayb muhim ah ka ayahay quruxda ka muuqata geela ugu heesaa .

Wallee Baarkiyo bilicdaaduba waa barkay maqan.

Dadka habawsan ee u heeggan luminta dadka muslimiinta ah iyo wiiqidda awooddooda waxay addimo ka dhigtaan muslin kale oo mooge ah iyo mid si uun u fidnaysan oo aan hummaag mooyee dhab wax u arag, waa meeshii uu geedku ka yiri isaga oo godin la hadlaya walee godineey haddaan gabalkay kugu daabnayn ima gooyseen!!. Halkaan ka akhriso maqaalka oo dhamaystiran

————————————

[1] http://ahl-alquran.com/arabic/chapter.php?page_id=108

La soco qaybta 4aad.
Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online