Gudoomiyaha Baarlamaanka oo shaaciyey waqtiga la qabanayo Mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha DFS.[Dhagayso]

November 21, 2014 - Written by Editor

JawaariMuqdisho:-Afhayeenka Baarlamaanka DFS, Prof.Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa sheegay in maalinta Isniinta ah Barlamaanka la geyn doono mooshin ay soo gudbiyeen Xildhibaano ka mid ah DFS laguna ridayo Ra’iisul wasaare C/weli Sh Ahmed.

Labo jeer oo ayaa Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan ay mooshin ka keeneen Xukuumadda Ra’iisul wasaare Cabdiwel  aysan waxba ka hirgelin ka dib markii Xildhibaano taageersanaa Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sh Axmed ay hor istaageen.

Afhayeenka Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sh.Cismaan Jawaari ayaa ka codsaday Xildhibaanadda DFS in ay ilaaliyaan nidaamka uusan aqbali doonin mar saddexaad is horistaag lagu sameeyo in mooshinka lagu ridayo Ra’iisul wasaare Cabdi weli Sh Axmed.

Afhayeenka Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa safar ugu baxay maanta dalka Jabuuti isagoo casumaad ka hellay dhigiisa dalka Jabuuti dibna uu ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho maalinta Axada ah.

Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee Afhayeenka Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/ibkhahqmd3/jawaari.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online