Madaxweynaha Dawladda Puntland oo la kulmay Madaxa Hay’ada Interpeace Soomaliya

November 25, 2014 - Written by Editor

IMG_7324Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Hay’ada Interpeace ee Soomaaliya Mr.Ulf Terlinden iyo wafdi uu Hogaaminayey. Wafdiga uu hogaaminayey Mr.Ulf Terlinden waxaa kamid ahaa Saraakil ka socotay hay’ada Cilmibaarista Puntland ee PDRC sidoo kalena waxaa iyaguna wafdiga ka mid ahaa masuuliyiin ka socotay hay’ada Conflict Dynamics International (CDI).

Madaxweyne Gaas ayaa kullan gaar ah oo uu la qaatay Mr.Ulf Terlinden iyo wafdiga la socday waxa looga hadlay qabsoomida shirweynaha wada tashiga Puntland kaasi oo ka dhici doona Magaalo madaxda Puntland ee Garoowe .

Shirweynaha wadatashiga Puntland oo uu horay u iclaamiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas bilowgii sanadkaan 2014-ka ayaa waxa uu madaxweyne Gaas ku martiqaaday ka soo qeyb galkiisa Madax dhaqmeedka,Waxgaradka ,Aqoonyahanka,Culimo’udiinka  iyo qeybaha kale ee Bulshada Puntland.

Hay’adda Interpeace oo Soomaaliya ka caawisa barnaamijyada dimuqraadiyeynta iyo arrimaha isdhexgalka bulshada ayaa waxaa ay balan qaaday inay dadaal weyn kala geli doonto Dawladda Puntland barnamijkeeda Dimuqraadiyada ee dhawaan laga hirgelin doono Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa dhankiisa sheegay in Dawladda uu hogaaminayo ay ka go’antahay fulinta balanqaadyadii ay horay u galeen ku waasi oo tiirar ay u ahaayen wadatashiga bulshada iyo yagleelida xisbiyo siyaasi ah iyo dimuqraadiyad sal balaaran oo ka hanaqaada Puntland.

Dhinaca kale qabsoomida shirweynaha wadatashiga Puntland ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo dabayaaqada Bisha koowaad ee sanadka cusub ee 2015-ka.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online