Xisaabi Naftaada intaan lagu Xisaabin Cumar C/xamiid Rashiid.

November 29, 2014 - Written by Editor

DSC03647Gaalkacyo:-Muxaadaradaani oo loo qabtay Gabadhaha Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan kuwa ku taxan Muxaadaraad Taxane ah oo lagu qabto Galab walba oo Jimce ah Masjidka Al-Furqaan ee Xaafada Israac (Siinaay) Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay ku saabsanayd sidii Qofku uu ula xisaabtami lahaa Naftiisa inta aan Maalinta Aakhiro Alle Xisaabin.

Muxaadarada ayaa Walaal Cumar C/xamiid waxaa uu aad ugu Dheeraaday xisaabinta Nafta iyo Muhiimada waxaana Mawduuca uu kusoo qaatay Dhawr Qodob oo Muhiim waxaana ay kala ahaayeen :-

1-Is xisaabinta iyo sugnaansheheeda Alle waxaa uu yiri :

يَاأَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَلْتَنْظُرْ نَفْسٌ مَا قَدَّمَتْ لِغَدٍ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ(18)وَلَا تَكُونُوا كَالَّذِينَ نَسُوا اللَّهَ فَأَنْسَاهُمْ أَنْفُسَهُمْ أُوْلَئِكَ هُمْ الْفَاسِقُونَ
(19(

2-Cibaado ay baqdin la socoto : Qofka waxaa looga baahanyahay in uusan is dhigin oo uusan ku qancin Cibaadooyinka yar yare e uu samaynayo , waxaana la gudboon in uu aad u cibaadaysto isaga oo ka baqaya in aan laga aqbalin.

3-Waaniyada Alle ee Qalbiga kujira : Naftu waxay doonaysaa Xumaanta Qalbiguna waxaa uu leeyahay ka joog.

4-Culimada waxa ay ka yiraahdeen Xisaabinta Nafta:

5-Qaybaha Xisaabinta Nafta : Nafta waxaa la xisaabanayo laba Goor inta Qofku uusan ku kicin Camal iyo marka uu sameeyo kadib.

6-Waxyaabaha kuugu kaalmaynaya in aad Naftaada Xisaabisid.

7-Qaab loola Xisaabtamayo Nafta , Marka hore Waajibaadkii makasoo baxday , kadib Xaaraantii maka fogaatay , Kadibna Xuska Alle , Kadib Waxyaabaha ay Xubnihiisu ku kacaan.

8-Faaidooyinka Xisaabinta Nafta.

9-Ugu danbayn Tareenka Nolosha ee maalin walba usii socda Aakhiro iyo ka digtoonaanshaha Qofku in uu noqdo Busaarad sida Nabigu uu yiri

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: (أتدرون من المفلس؟ قالوا: المفلس فينا من لا درهم له ولا متاع؟ فقال: (إن المفلس من أمتي يأتي يوم القيامة بصلاة وصيام وزكاة، ويأتي قد شتم هذا، وأكل مال هذا، وسفك دم هذا، وضرب هذا، فيعطي هذا من حسناته، وهذا من حسناته، فإن فنيت حسناته قبل أن يقضي ما عليه، أخذ من خطاياهم فطرحت عليه، ثم طرح في النار) [مسلم].

Muxaadaraatkii loo qabtay Gabdha Masjidka Al-Faaruuq ay waxaa ay kala ahaayeen:-

1.Baraarujino Guud 2.12.1435 , 26.09.2014

2.Adaabta Ciida iyo Axkaamta Udxiyada 9.12.1435 , 03.10.2014

3.Fadliga Cilmiga , iyo waxbarashada Dadka waawayn suura gal nimadeeda 16.12.1435 , 10.10.2014

4.Fadliga Qur’aanka 23.12.1435 , 17.10.2014.

5.Akhlaaqda Gabdha Muslimada ah 24.10.2014

6.Xishoodka 31.10.2014

7.Isbarasho iyo Kulanka Gabdhaha 7.11.2014

8.Dulqaatka 14.11.2014

9.Waano iyo Wacdi 21.11.2014

10.Xisaabi Naftaada intaan lagu xisaabin 28.11.2014

C/raxmaan C/nuur C/laahi

Madaxa Xafiiska Warfaafinta ee Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online