Live u dhageyso U Gargaarida Nabi Maxamed CSW Radio Halgan Live iyo Radio Al-Xikma [Dhageyso Live]

January 16, 2015 - Written by Editor

AmazonSmallGaroowe:- Akhristayaasha sharafta leh ee Halgan.net waxaa lagu wargalinayaa in Radio Halgan Live iyo Idaacada Al-Xikma ay baraamij gaar si toos ah u soo deyn doonaan Baraamijtaas oo loogu gargaarayo  laguna difaacay Nabigeeni Maxamed CSW.

Hadana waxaa ugu baaqaynaa Dhamaan Muslimiinta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan Baraamijta lagu difaacayo looguna gargaarayo Nabigeena Maxamed CSW kuwaas oo ka baxaya Radio Halgan Live iyo Idaacada Al-Xikma iyaga faafinayey tawjiihaadka culumada Soomaaliyeed.

Baraamijta ayaa noqon doona Muxaadarooyin iyo kalimaad ay culumada Soomaaliyeed ku soo bandhigi doonaan siiradii Nabigeena iyo wanaagiisa iyo naxariista Nabigeena CSW.

Cid walba oo Muslin ah ha ka qeyb qaato Difaaca iyo U gargaarida nabiga luqad kasta uu yaqaan ha ku soo bandhigo taariikhda iyo siirada Nabigeena CSW.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta khudbooyinka maanta lagu qabtay Masaajida kuwaas oo dhamaantood lagu difaacayey Nabigeena Maxamed CWS.

Waxaa kale oo aad si sahlan ugu shuban karaan telkooda gacanta Radio Halgan Live Google Play hadii uu yahay telfanka aad heysato nooca Android hadii aad heysato Apple waxaad ka soo gishataa App Store .waxaad ku qoreysaa (Radio Halgan Live) waa free wax lacag ah maaha . Halkan ka Dajiso Radio Halgan Google Play Halkan ka Dajiso Radio Halgan Live App Store

Radio Halgan Live waa Idaacad Islaami ah uu soo tabin doonta Inshalaah Duruusta iyo Nadwooyinka Culumada waxaana ay bahwadaag ku yihiin faafinta Dacwada Radiyaasha Al-Xikma oo ka howlgala deegaanada Puntland iyo Radio Al-Nuur oo ka howlgala magaalada Muqdisho lagana dhageysto gobalada Koonfureed.

Waxaa kale oo aad duruusta iyo towjiihaadka culumada aad si dhib yar aad uga dhageysan kartaa Radio TuneIn oo aad soo gishan karto telfankaaga gacanta.Radio TuneIn ka dib meesha ay ku taal Search ku qor Radio Halgan Live . Alle waxaan ka baryeynaa in acmaasheen uu ka dhigo mid kaligiisa khaalis u ah Aaaamiin

Hoos ka Dhagayso si live ah Radio Halgan iyo Idaacadda Radio Al-xikma

ama Halkaan ka Dhagayso

Radio_alnurHalkan Ka Dhageyso Radio Halgan Live.

Maamulka Radio Halgan Live

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online