Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo mashaariic xariga ka jaray kana dhoofay Muqdisho[Masawiro]

January 25, 2015 - Written by Editor

5Muqdisho:-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa xariga ka jaray Mashaariic ay dowlada Turkiya ka fulisay magaalada Muqdisho waxaana ka mid ah Mashaariicda uu xariga ka jaray Terminaal cusub ee garoonka Aden Cadde iyo Isbitaalka weyn ee Digfeer.

Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynaha dalka Turkiya ayaa u mahad celiyey shirkada dayactirka ku sameysay Terminaal cusub ee garoonka Aden Cadde ee FAVOR taas oo maamusha Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay mashaariicda uu furay maanta oo ay dowladiisa fulisay.

Isbitaalka weyn ee Digfeer ayaa waxaa uu ka kooban yahay 200 oo sariir, si weyn-na loo casriyeeyay waxaana arrinkaas aad u soo dhaweeyey shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo masuuliinta DFS .

no images were found

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyay dhiggiisa dalka Turkiya Recep Tayyip Erdoğan oo booqashada uu ku yimid magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa isla galabta ka dhoofay magaalada Muqdisho .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online