Madaxweynaha PL oo la kulmay Madaxa xafiiska Bankiga aduunka ee Soomaliya Mr.Hugh Riddel [Masawiro]

January 28, 2015 - Written by Editor

IMG_2505Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 28-1-2015 aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa xafiiska Bankiga aduunka ee soomaliya Mr.Hugh Riddel iyo wefti uu hogaaminayey.

Ka qeyb galka kullanka ee dhanka Puntland waxaa madaxweynaha ku wehliyey Wasiirka Maaliyada Puntland Shire Xaaji Faarax, Wasiir dawlaha madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Maxamed Cabaas Cumar iyo Agaasimaha guud ee macdanta iyo shidaalka Puntland Ciise Dhoolawaa.

Kullan gaar ah oo madaxweyne Gaas la qaatay masuuliyiintaasi ayaa waxaa uu ku saabsanaa kheyraadka kujira Puntland sidii looga faa’iidaysan lahaa, bankiga aduunkuna uu gacan uga siin lahaa dawladda Puntland sidii loo soo saari lahaa kheyraadkaasi.

Madaxweyne Dr.Gaas ayaa sheegay in Puntland ay kujiraan kheyraad farabadan oo u baahan in looga faa’iideeyo shacabkeeda, waxaana uu tilmaamay in dawladdu ay soo dhaweynayso cidkasta oo kheyraadka kujira Puntland soo saaristeeda gacan mug leh ka geysanaysa.

Weftiga ka socday Bankiga aduunka ayaa dhankooda sheegay inay diyaar u yihiin in ay isgarabtaagaan dawladda Puntland gacana ay ka siiyaan soo saarista kheyraadka dabiiciga ah ee Puntland.

Sidoo kale Bankiga Aduunka ayaa ayaa waxaa ay sheegeen in ay damaanad qaad buuxa siin doonaan shirkadaha maalgashiga iyo shirkadaha soo saara kheyraadka dabiiciga ah kuna dhiirigelinayaan in Puntland ka howlgalaan.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu dadaal xoogan ugu jiraa sidii shacabka reer Puntland looga faa’iideynlahaa kheyraadka dabiiciga ah ee eebe ku manaystay Puntland, waana talaabo muhim ah oo uu madaxweynuhu horay u qaaday mudadii uu hogaanka Puntland hayey.

no images were found

 -DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.
Email : plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online