Ra’iisal wasaaraha DFS “Soomaaliya guul ayay u tahay Booqashada Erdogan”

January 25, 2015 - Written by Editor

sharmMuqdisho:-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in booqashada wafdiga Madaxweynaha Turkiga ay Soomaaliya u tahay mid taariikhi ah, isla markaana ay diyaar u yihiin inay kala saxiixdaan mashaariic hor leh oo loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in booqashada.

Madaxweynaha Turkiga ay ka duwan tahay tii hore ee uu dalka ku yimid, waxaana uu shacabka ka codsaday inay dulqaad muujiyaan xirnaanshiyaha waddooyinka, maadaama ay tahay mid lagu xoojinayo Nabadgelyada caasimadda, isla markaana looga hortagayo dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

“Runtii farxad ayay noo tahay in markale uu Madaxweynaha Turkiga booqasho noogu yimaado, anigoo ku hadlaya Magaca Xukuumadda Soomaaliya waxaan uga mahadcelineynaa mashaariicdii kala duwanaa ee ay dalka ka hirgeliyaan, waxaana rajeyneynaa in Mashaariic kale aan kala saxiixano” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in tani ay ka turjumeyso horumarka amniga ee ay dowladdu ku talaabsatay, isagoo xusay in taasi ay suurta gelisay in Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu booqasho ku yimaado.

“Heshiisyada aan kala saxiixaneyno waxaa ka mid ah iskaashi dhaqaale oo labada dal, sidoo kale waxaaan kaloo kala saxiixan doonaa heshiisyo dhanka amniga ah, madaama dowladda ay ka baxday KMG-nimada, haatanna ay dowladdu dadaal ugu jirto hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka”ayuu hadalkiisa ku daray Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

—-DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online