Shir looga hadlayo Hiigsiga cusub (New Deal) ee sanadka 2016 oo ka furmay Garoowe

January 27, 2015 - Written by Editor

GarooweGaroowe:-Waxaa maanta magaalada Garowe ee caasimadda Dowladda Puntland ka furmay shir looga hadlayo Hiigsiga cusub (New Deal) ee sanadka 2016, iyadoo shirkaan qaban qaabadiisu ay ka socotay magaalada Garoowe maalmihi la soo dhaafay.

Shirkaan looga hadlayo Hiigsiga cusub (New Deal) ee sanadka 2016 ama kobcinta dhaqaalaha ayaa waxaa saaka furay madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaan shirka ka soo qayb galay xubno a socoda beesha caalamka , Dowladda Federaalka Soomaaliya Maamulka Jubbaland , Maamulka Koonfur Galbeed ,maamulka Gal-Mudug , iyo xubno ka socday Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhaweeyey dhamaan marti sharaftii ka soo qayb gashay shirka isagoo ugu baaqay in loo wada guntado si Soomaali ay u gaari lahayd meel ay joogtaba horumar lagana gudbo waqtigii burburka iyo dib u dhaca.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in shirkaan uu leeyahay ahmiyada badan ayana ku faraxsan yihiin in Puntland ay marti geliso shirkaan oo kale iyo shirar kale oo caalami ah.

Shirkaan looga hadlayo Hiigsiga cusub (New Deal ayaa waxaa uu socon doonaa mudo labo maalmood ah waxaana shirkaan lagu qabtay xarunta Hey’adda wada tashiga iyo cilmi baarista Puntland ee PDRC
Inta uu soco shirkaan ayaa waxaa lagu falaqayn doonaa kobcinta dhaqaalaha ,baahiyaha wax soo saara ee Soomaaliya iyo in wax laga qabto kaabayaasha dhaqaalaha ee burburku gaaray.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online