Nadwo diini ah oo Laascaanood lagu soo Gabagabeeyey.[Masawiro]

February 5, 2015 - Written by Editor

1Laascaanood:-Waxaa lagu soo gabagabeeyey caawa Nadwo Cilmiyeed diiiniga ah oo loogu magac daray dhalanroga dhaqanka iyo dabaqabashadiisa ee ka socotay Masjid Jaamaca magaalada Laascaanood Saddexdii Habeen ee u dan beeyey.

Nadwadaan diiniga ah ayaa waxaa soo abaabulay Golaha Al-furqan ee Ardayda ka baxday Machadka Al-furqan ee Laascaanood  iyadoo ay qayb qaateen Haldoorka Culimada Gobolka Sool oo uu hogaami nayey Sheekh.C/Naasir Xaaji Axmed oo ah Shiikhu baladka Gobolka Sool.

Sh C/Naasir Xaaji Axmed ayaa Nadwada kaga qayb galay muxaadaro iyo in uu ka jawaabo Su’aalo  waxaan shiikha la wiidiiyey su’aalo fara badan oo dhibaato badan ku haya  buslaga Gobolka gaar ahaan Tahriibta, Guurka , xiriirka Qoyska, dhibaatooyinka dhalinyarad, Ganacsiga , Waxbarashada IWM.

Shiikh C/Naasir Xaaji Axmed oo ah Shiikhu Baladka Gobolka Sool ayaa dadwaynihii isugu yimid Masjid Jaamaca oo ah halkii ay Muxaadardu ka Socotay uga digay Dhibaaatooyinka uu leeyahay Tahriibta , isago Tusaalayaal badan u soo qaatay .

Culimadii ka qayb qaatay Nadwada diiniga ah ee Laascaanood ayaa waxaa ka mid ahaa:-

1.Shiikh C/Naaasir Xaaji Axmed Su’aalo iyo Jawaabo.

2.Dr Shiikh C/Rashiid Maahir Guurka iyo Dhalinyarada.

3.Sh Aadam Wali Cabdi Xuseen Zinada iyo Dhibaatadeeda.

4.Sh Axmed Maxamed Sulaymaan Mukhaadaraadka iyo Qaadka.

5.Sh Maxamed Aadam Wali Cabdi Xuseen Isdhex galka Raga iyo Dumarka iyo Dhibaadiisa.

Intii ay socotay Nadwada diiniga ah waxay Culimadu soo jeediyeen muxaadarooyin badan gaar ahaan dhibaatooyinka Bulshada Haysta, iyadoo Habeenkii xalay laga hadlay dhinaca Guurka, Zinada , xanuunada laga qaado Zinada iwm.

Culimadu waxaa ay soo jeediyeen talooyin badan oo u ah daawo dhibaatada bulshada haysta Sh.C/naasir Xaaji Axmed oo su’aalihii la wiidiiyey waxaa ka xusi karnaa khatarta ay leedahay shiicada, Ururka Al-shabaab iyo dhibaatda ay ku hayaan Bulshada Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii Nadawadu waxay ahayd mid ay Bulshadu ka dhinbil qaadatay kana Jahi baxdo arrimo waaweyn , Nadwo cilmiyeedka diiniga ah oo si weyn looga faa’iidaystay ayaa waxaa  soo abaabulay Golaha Al-furqan ee Ardayda ka baxday Machadkada Al-Furqan.

no images were found

Mawliid Ismaaciil Haradigeed
Lascaanood, Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online