Ardayda Mac-hadka Al-furqaan ee Laascaanood oo u fadhiistay Imtixaankii Sanad dugsiyeedka 2014-2015.‏[Masawiro]

June 1, 2015 - Written by Editor

8Laascaanood:-Ardayda wax ka barta Machadaka Al-furqan ee barashada Culuumta Shareeca Islaamka iyo Carabiyada ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay u fadhiisteen maalintii Sabtiga ahayd Imtixaankii sanad dugsiyeed ee 2014/2015.

Tirada guud ee Ardayda Imtixaanka u fadhiistay Imtixaanka ayaa ahaa ilaa 847 Arday oo Iskugu jira Inamo iyo Hablo kuwaas oo wax ka barta xilliyada kala duwan ee la dhigo Machadka Imtixaankan ayaa waxaa uu socon doona hal Todobaad iyo Badh iyadoo la soo gabagabayn doono bartamaha Bishan Jun .

Ardayda Machadka ayaa si weyn ugu diyaar garoobayey maalmihi la soo dhaafnay inay guul ka gaadhaan si guud imixaanka inay ku guulaystaan kaalimaha hore . Maamualaha Machadka Al-furqan Sh Yuusuf Haybe Ibraahim ayaa ka warbixyay xaalada machadka ee sanad dugsi yeedkii tegay , guud ahaan tirada Ardayda dhigata , iyo guulihii ay gaadheen sanadkan iyo kuwii ka horeeyay .

Machadka Al-furqaan oo sanadii u danbeeyay ku tallaabsaday horumar dhinacyo badan taabanaya ayaa ah isha ugu muhiimsan ee bulshada ku dhaqan gobolka Sool iyo nawaaxigiisa iyadoo sanad waliba ay ka soo qalin jabiyaan boqolaal arday oo bulshada u shaqeeya , una noqda hogaanka looga daydo akhlaaqda , cilmiga , ku dhaqanka shareecada Islaamka, iyo Alle ka cabsiga .

no images were found

Mawliid Ismaaciil Haradigeed
Laascaanood ,Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online