Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la Wareegay Deegaanka Toora-Tooroow

June 2, 2015 - Written by Editor

MDG : Somalia : A joint AMISOM and Somali National Army (SNA)  near AfgoyeMuqdisho:-Ciidamada DFS oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa la wareegey deegaanka Toora-toorow ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana halkaas horey ugu sugnaa kooxda Al-Shabaab.Wararka ayaa sheegaya in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa si nabad ah kula wareegeen deegaanka Tooratoorow .

Sarkaal ka tirsan ciidamada DFS ayaa sheegay in Al-shabaab in deegaanka Toora-Toorow ay saldhig u ahayd ayna saaka ku duuleen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayna haatan ku sugan yihiin ciidanka huwanta .

Degmada Sablaale ayaa noqoneysa Degmada kaliya ee ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ee xilligan ku jirta gacanta kooxda Al-shabaab,waxaana ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM qorsheynayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen Degmada Sablaale.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dhuumaaleysi ah ka geysta gobalka Shabeellada Hoose waxaana ay todobaadkii hore mar la wareegeen gacan ku heynta deegaannada Aw-dheegle iyo Mubaarak waloow markii danbe ay ciidanka DFS ay dib qabsadeen.

La wareegitaanka deegaanka Toora-toorow ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Jen C/risaaq Khaliif Cilmi iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose C/qaadir Siidii oo la hadlay warbaahinta Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online