Fataawa Ramadaaniya:Kitaab Cusub oo uu Qoray Sh Mohamed Sh C/raxman Kaariye (Akhriso).

June 20, 2015 - Written by Editor

Sh_kaariyeMinisota:-Waxaan Halkan idinku soo gudbineynaa Kitaab si aad ah loo wada dhawrayay loona sugayay oo uu waqti badan galiyay Sheikh Maxamed Sh Cabdiraxman Kaariye oo ka mid ah culumada iyo ducaada degan dalka Mareykanka (Allaha Xifdiyee).Kitaabkan Cusub Waxaa uu sheikha oogu tala galay Bisha Ramadan ee fadliga badan waxaana uu u qoranyahay qaab su’aallo iyo jawaabo ah.Kitaabkan waxaa uu in badan ka duwanyahay kutabadii hore loo qori jiray ee noociisa ahaa waayo sheikha waxaa uu soo ururiyay fataawaha Sheikh Ibnu-Baaz iyo Sheikh Cuthaymiin (raximahumullah).

 

Sidoo kale Kitaabkan sheikha waxaa uu ugu tala galay in aanan laga caajisin akhriskiisa oo qaabka uu u qoranyahay waa mid kusoo jiidanayo aadna u fudud waxaana ka mid ah waxyaabaha layaabka leh ee kitaabkan u gaarka ah.

(1).Su’aal kastaa waxaad moodaa in ay tahay mid si toos ah kuu taabanayso.
(2).Jawaabaha oo ah kuwa aan laga caajisayn akhriskooda oo kooban.
(3).Turjumaadda afka soomaliga oo ah mid aan aad u tira badnayn maadaama aan ognahay in luuqadda somaliga iyo carabiga aanay isku mid ahayn oo afka somaliga uu mar kastaa u baahanyahay sharaxaad dheeraad ahi.
(4).Meelaha muhiimka ah sida aayadaha iyo axaadiista oo ah kuwa si gooni ah far midib leh ku qoran iyo waliba waxyaaba kale oo uu sheekha ugu tala galay in uu u sahlo akhristaha.

Hadaba kitaabka oo ah Nooca PDF iyo WORD halka hoose ka daalacda

 

FataawaRamadaaniyah  Kitaabkii oo PDF ah
buugiiramadaanta  Kitaabkii Word ah

1 Comment so far

Leave a comment

  1. asc walaalayaal sh.cabdraxmaan muu qorin kitaab ke waa tarjumay markaa inaad saa udhigtan baa fiicnaan lahayd

Leave a comment

*