Madaxweyne Gaas oo Qardho ka dhagax-dhigay xarun ay degayaan Qaxootiga Yemeniyiinta ah.[Masawiro]

June 1, 2015 - Written by Editor

yemaQardho:-Madaxweynaha dowladda Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo saaka ka soo ambabaxay magaalada Boosaaso ayaa soo gaaray magaalada Qardho madax weynaha ayaa markii uu soo gaaray Qardho waxaa uu dhagax dhigay dhul aad u balaadhan oo loogu deeqay shacabka reer Yeman ee ka soo barakacay dagaalada ka socda dalka Yeman.

Burhaan C/raxmaan Xaaji Aadan oo ah kusimaha Duqa degmada Qardho ayaa sheegay inay aad u soo dhowaynayaa wafdiga madaxweynaha aadna u taageersan yihiin ololaha lagu caawinayo qoxootiga Yeman, wuxuu sidoo kale Burhaan xusay ka maamul ahaan inay diyaar u yihiin inay fuliyaan siyaasada Dowladda Puntland ee lagu caawinayo Qaxootiga.

Madaxweynaha Gaas oo Munaasabada dhagax dhiga ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay mahad celin uu u jeediyay dadka reer Qardho wuxuu mar labaad xusay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta dhagax dhigo dhul gaar ah oo loogu talagalay qoxootiga reer Yeman dhulkaas oo u gaar ah qoxootiga reer Yaman wuxuu kale oo uu xusay in Puntland ay yimaadeen qoxooti fara badan oo isugu jira Soomaali Itoobiyaan, Yemaniyiin iyo umado kale oo fara badan.

Wuxuu sheegay qoxootiga reer  Yeman inay ugu tala gaeleen inay dajiyaan magaalada Qardho taana ay sabab u tahay cimilada wanaagsan ee magaalada oo ah kuwo aad u qabow wuxuu kale oo sheegay in Boosaaso ay ka bateen qoxootigii sidaas darteedna aan la saarin culays, culayskana laga fududeeyo, halkan oo Qardha ahna ay tahay meel cimilo ahaan ay tahay mid u dhiganta meelihii ay ka yimaadeen qoxootiga sida Sanca iyo buuralayda dalka yaman oo ah meel Qabow, madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qoxootiga ka yimi dalka Yeman aan ahayn qoxooti kaliya ee ay yihiin dad wata aqoon iyo xirfado kala duwan.

Burhaan C/raxmaan Xaaji Aadan oo ah kusimaha duqa degmada Qardho ayaa sheegay inay aad u soo dhowaynayaa Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas sidoo kale waxa uu sheegay inay aad u soo dhowaynayaan shacabka reer Yeman iyo go’aankii Puntland ee ahaa in laga qayb qaato soo dhowaynta qoxootiga ka soo barakacay dalka Yeman.

Qunsulka dalka Yeman u fadhiya dowladda Puntland ayaa dhankiisa ka mahad celiyay munaasabada wuxuuna sheegay intii uu joogay Puntland inuu Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Karkaar ayaa aad u soo dhoweeyay ololaha loogu gurmanayo shacabka walaalaha ah Yeman diyaarna u yihiin inay ka qayb qaataan soo dhowayntooda iyo danjintooda munaasabada dhagax dhiga ka dib Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa u sii ambabaxay caasumada dowladda Puntland ee Garoowe.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online