Caanaha ama carka!!. W/Q Sh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur

February 7, 2016 - Written by Editor

shfuaadBoosaaso:-Caanuhu waa gallad Eebbe inaka siiyo nimcoolayda, waxaa soomaalidu tiraahdaa waxaa caano ugu mudan kuwa geela, waxay ku cabbireen buuniyadij hore ee soomaaliyeed tixo iyo oraahyo dhaxal gal ah waxaana ka mid ah.

Candho diiranley duul nin lihi cid uma daayeene
Dudiyo xiito nimaan loo lisayn duni ku leeleelye
Diihaalku geel inuu ku ba’o idinka diimmoone
Duhurkii haruubkii ahaa kibis ka doorroone.

Aw Muuse Ismaaciil.

Dhibaatiyo adoo gaajo qaba dhaxanta jiilaalka
Dhoor caano laga soo lisoo yara dhanaanaaday
Nin dhadhamiyey wuu garanayaa dhul ay qaboojaane
Goortaad dhantaa baa jidhka ba dhididku qooyaaye
Ragga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geel. Cumar Ustaraaliya.

Tixaha oo tiro dhaaf ah haddaan intaas ku daayo, caanaha geelu waa caano macaan oo xataa cilmaga casriga ahi qiray in ay yihiin kuwo u leh jirka aadanaha faa’idooyin fara badan, haddaba markii caanahaas lagu liso gaawe la hogeeyey ama la culay waxay caanahaasi yeeshaan wax loo yaqaan Car, waxaan filayaa haddaad yaraantii ahayd qof googgaaleysta in aad maqli jirtey googgaa, cadale, cadalahaad tiri ku carmaanso, oo markaas looga jawaabo carka iyo caanaha geela, haddaba carku waa qadiid ka kooban muuqaal saxarro madmadoow ah iyo dhadhan lagu dareemo carrabka.

Haddaba soomaalidu waxay tiraahdaa ama carka qub ama caanaha dhan, taas oo ah oraah xambaarsan xikmad mug weyn, waayo haddaad is tiraahdid carka qub oo caanaha ka dhammee waxaad dhulka ku dhammaynaysaa caanihii oo idil, haddaad is tiraahdid caanaha dhan ama cabna waxaad qurqurinaysaa caanihii oo carkoodii wata.

Waxaa qof walba uu ogsoonyahay in dawladnimada, wada jirka iyo nabadgalyadu ay yihiin wax aad u macaan oo la’aantood ay noloshu tahay hoog iyo ba, gabarburaanbjrkeed ayaa waxaa ka mid ahaa (nabaddu waa sariir oo waad ku seexataa), dhanka kale in badan oo dawladaha iyo maamullada ka mid ah gaar ahaan dunida saddexaad waxaan laga waayeyn eex iyo musuqmaasuq, haddaad is tiraahdid awood iyo kacdoon ku baabi’i eexda iyo musuqmaasuqa maalmo gudohood waxaad burburinaysaa wanaag badan oo feer yaalley eexda iyo musuqmaasuqa markaas ayaa waxaa dhaca dhimasho, dhaawac, qax iyo in wax walba la waayo oo xataa mar marka qaarkood salaadaha la soo tukan waayo, waana wax aynu innagu soo aragnay soomaali ahaan.

Sidaa darteed ama waa inaad si xigmadaysan oo djlqaad huwan aad is beddel u raadisid iyo in aad kacdoon aan laga fiirsan kicisid oo aad dawladnimadii oo dhan aad waydo aadna la kulantid dhib iyo qahar aad farta dhexda ka qaniintid xilli aan shallaygu waxba tarayn sida ka dhacday, Soomaaliya, Afgaanistaan, Liibiya, Suuriya, Ciraaq, Yemen iyo meelo kale oo badan.

Marka soo ma aha ama Carka qub ama caanaha dhan, waxaan ugu baaqayaa guud ahaan Soomaali gaar ahaan reer Boosaaso in loo hayaamo dhanka dhismaha dalka, dadka iyo dowladnimada ayada oo khaladka loo saxayo si miyir iyo maarayn ku dheehan, dhanka kale in laga fogaado kacdoon wax burburiya is dil iyo is qolaqolayn waayo haraan ugu hoogney.

W/Q Sh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online