Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Ergaygga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay (SRSG) Michael Keating

February 4, 2016 - Written by Editor

Keating-iyo-AxmedKismaayo:- Ergaygga Gaarka ah  ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa waxaa uu soo dhaweeyay ogolaanshaha hoggaamiyaasha maamulka Jubbaland ay ogolaadeen go’aankii beesha caalamka iyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan qaabka ay noqonaysao doorashada ee 2016-ka.

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland ayaa waxaa saaka safar aan horay loo shaacin ku tegay Safiiro ka socda Midowga Yurub gaar ahaan dalalka Swedan, Talyaaniga, Ergaygga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, IGAD, Safiirada Itoobiya, Kenya , Saraakiil ka socda AMISOM iyo saraakiil ka socda Ra’iisul wasaaraha DFS Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmaake.

Ergaygga gaarka ah ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Jubbaland ,gudoomyaha baarlamaanka xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, Xildhibaano, iyo Ganacsatada iyo odayaasha dhaqanka ayaa wada hadal ka dib waxaa uu sheegay in qaabka doorashada ee la qaatay uu yahay Road Map looga gudbayo oo kaliya 2016 -2020 oo la rajaynayo in hal qof hal cod ah ay u dhacdo doorashooyinka.

Kulanka intii uusan soo gabagaboobin ayaa waxaa Madaxda Jubbaland Axmed Madoobe uu sheegay in ay qaateen go’aanka qaabka doorasha 2016 oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamku ay isla qaateen ayna ku dadaali doonaan hirgelintiisa balse beesha caalamka looga fadhiyo in aan dano siyaasadeed oo gaar ah qofna uusan ku gaarin.

Dhinac kale Ergaygga gaarka ah  ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan dalka Soomaaliya, Michael Keating ayaa soo dhaweeyey aqbalaada ay madaxda Jubbaland si buuxa u qaateen qaabka doorashada ee ay jaan gooyeen beesha caalamaka iyo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuuna xusay Michael Keating in maanta ay tahay maalin cajiib ah.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online