Madaxweynaha Hirshabelle Oo Beledweyne Kula Kulmay Bahda Waxbarashada.[Masawiro]

March 25, 2017 - Written by Editor

Hiiraan:-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa halkaasi galabta kulan kula qaatay Xubno ka socday Bahda waxbarashada ee Gobolka Hiiraan, Iyo aqoonyahanada Magaaladaasi Ku dhaqan.

Kulanka ayaa ujeedkiisa ahaa sidii uu dhiira galin lahaa madaxweynaha, waxbarashada, Iyo in uu Ku baraarujiyo in lagama maarmaan ay tahay xoojinta isdhex galka bulshada taasi oo qeyb ay ka qaadan karaan Macalimiinta Iyo maamulada madaarista waxbarasho.

Aqoonyahanada Iyo Xubnaha matalayay Bahda Waxbarashada ayaa Madaxweynaha sharaxaad ka siiyay sida ay u shaqeeyaan Iyo caqabadaha heysta, iyagoo ka dalbaday Dowladda Hirshabelle in ay ka Gacan siiso horumarinta Waxbarashada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mundane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan Xoghaye Iyo Agaasimayaal matala Wasaaradda waxbarashada La magacaabi doono si ay u sahlanaato ka wada shaqeynta horumarinta waxbarashada.

Madaxweynaha oo sii hadlay ayaa aqoonyahanada ka codsaday in ay garab istaagaan dowladnimada xilna ay iska saaraan horumarinta is dhex galka bulshada Iyo amniga, isagoo xusay in lagama maar maan ay tahay in qof kasta uu ka shaqeeyo xaqiijinta Amniga taasi uu sheegay in bulshada ay wada deeqdo.

Kulankaasi ayaa waxaa madaxweynaha Ku  wehlinayay Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Hirshabelle C/qaadir Cabdulle Xooshow, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan mudane Cali Jeyte, Iyo mas’uuliyiin kale, waxaana inta madaxweynuhu uu Ku suganyahay Beledweyne uu kulamo kale duwan uu La yeelan doonaa qeybaha kale duwan ee bulshada, saraakiisha ciidamada Qalabka sida Iyo kuwa Amisom, iyadoo uu booqan doono meela kale duwan oo magaaladaasi ah.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle

Directorate Of Media & Public Relation Office Of The President Hirshabeelle State Of Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online