Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay dalka Kenya.[Masawiro]

March 22, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:- Madaxweynaha Jahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaas oo uu ku joogi doono booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo 3 maalmood.

Madaxweynaha waxaa gegida diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Marwo Aamina Maxamed, Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale iyo Wasiirro kale oo ka tirsan dowladda Kenya.

Madaxweynaha ayaa berri oo Khamiis ah la kulmi doona dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta, waxa ayna ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal. Waxaa kale oo dhici doona kulamo ay yeelanayaan ganacsatada labada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka qeyb gali doona Shir-madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo 25-ka bishan ka dhici doona magaalada Nairobi, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimo dhowr ah oo gobolka khuseeya oo ay ugu horreyso arrinta qoxootiga.

>DHAMMAAD<-

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta ee
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: abdinur@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online