Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Odayaasha Dhaqanka Gobolka Bari (Masawiro)

March 5, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 05, March 2017 la kulmay qaybaha kala duwan ee odayaasha dhaqanka Gobolka Bari, waxaana kulnakaasi ka qayb galay masuuliyiinta maamulka Gobolka Bari, nabadoonada iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dawladda Puntland.

Kulankankii maanta uu Madaxweynuhu la qaatay odayaasha ayaa looga wada hadlay xaaladda nabad-gelyada iyo horumarka gobolka, waxaana odayaashu ay si cad u tilmaameen inay Dawladda ku garab taagan yihiin tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo sugidda ammaanka iyo tubta toosan ee loo marayo horumarka gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays “Dhedo” oo kulankii maanta kalmado kooban ka jeediyay ayaa tilmaamay in sugitaanka ammaanka Gobolka Bari ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo isla markaana loo guntado sidii looga hortagi lahaa cid kasta oo ku xad gudbaysa nabadgelyada gobolka iyo horumarkiisa.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiqweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa si cad u tilmaamay in xaqiijinta iyo wanaajinta amniga guud ahaan gobolada Puntland ay kamid tahay masuuliyadaha dastuuriga ah ee ay Dawladdu leedahay, isla markaana ay Dawladdu qaadayso tallaabo kasta oo lagu sugayo nabadgelyada laguna taabba gelinayo hormarka iyo wada jirka shacabka Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku dhiiri geliyay masuuliyiinta maamulka Gobolka Bari iyo odayaasha dhaqanka ee kulanka ka qayb galay adkaynta nabadgelyada iyo sugidda amniga Gobolka iyo sidii si wada jir ah loogu dhaqaaqi lahaa houmarka.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online