Kulan Weynihii 3aad ee Dalladda Ardayda ka baxday Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya oo Garowe lagu soo Af-Meeray.[Masawiro]

July 5, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Waxaa subaxdii jumcada taariikhduna ku beegnayd 30-6-2017 si toos ah u furmay kulan waynihii seddexaad ee Dalladda ardayda ka baxday macaahidda sharciga ah ee soomaaliya, kaas oo ka furmay magaalada gorowe caasimada maamul goboleedka puntland, oo ay martigalisay dalladda wafa ayna soo qaban qaabisaay madaallada ardayda ka baxday macaahidda sharcigaa ee soomaaliya,ayna ka soo qaybgleen  in ka badan 16 dalladood kuwaas oo ka kala yimid dhammaan gobollada soomaaliyeed.

Kulan waynaha ayaa waxaa loo sameeyay xaflad furitaan ay ka soo qayb galeen wasiirka cadaaladda iyo arimaha diinta Puntland,wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland, gudoomiyaha jaamacadda bariga afrika  sh.maxamuud xaaji yuusuf,godoomiyaha mu’asada minhaaj gobolka nugaal,iyo qayb ka mida indheer garadka magaalada.

Xafladda ayaa waxaa lagu furay ayaadka eebe wayne oo uu akhriyay walaal sakariye cabdalle haaruun,intaa ka dibna waxaa soo jeediyay kalmad soo dhawayn ah xoghayihii hore ee goloha shuurada cabdulqaadir cabdulaahi khaliif (buryar) oo ku hadlayay afka dallada wafa taas oo uu ku muujiyay farxaddood ka dhanka ah inay martigaliyaan dhalinyaradan iskaga kal timid gobollada soomaaliyeed asagoo hadlayana wuxuu yiri “soo dhawayntiinna iyo martigalintiinu waxay noo tahay sharaf maxaa yeelay marti galinta dhalinyaro xanbaarsan fikradahaas qiimaha badan waa marti galin la marti galinayo hogaamiyaal”.

Intaa Ka dib waxaa hadlay godoomiyaha madallada ardada ka baxday macaahidda sharcigaa ee soomaaliya dr.cabdiraxmaan xasan tiiko asagoo ka hadlay dadaallada waawayn iyo shaqooyinka dallada ay qabatay tan markii la asaasay, hawlaha soo ay mid tahay walaalaynta umadda soomaaliya,taas oo ay qabatay madalladu seddex shir oo waawayn oo looga hadlayay walaalaynta umadda kuwaas oo lagu kala qabtay boorame gaalkacyo goldogob si loo mideeyo umadda soomaaliyeed, loona xoojiya xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya,lana tirto beenta iyo borobogaandad ay sameeyeen cadawga umaadu si ay ukala kaxeeyaan una baab’iyaan awooddooda, sidoo kale wuxuu sheegay inay madaladdu tahay ururka kaliya oo noocaan ilaa hadda soomaaliya wuxuuna yiri “way wadi doontaa madalladu dadaalladeeda ay ku doonayso midawga umadda  ayagoo ay jraan dhibaatooyin iyo wax hortaagan oo qaar ka mida ah ay ka imaanaya gobollada dalka” sidoo kale wuxuu yiri “ dhammaan kuwa is hortaaga fikrahada wanwanaagsan way dabar go’aan waxaana hara aalaba kuwa xanbaarsan fikradahaas,taariikhduna waa markhaatiga ugu dhaw”.

Sidoo kale waxaa ka hadlay xafladda gadoomiyaha jaamacadda bariga afrika qaybta gorowe asagoo soo dhaweeyay madallada kuna bogaadiyay shaqada ay hayso,sidoo kalena wuxuu ka hadlay faaiidada ay leedahay in la qabto shaqadaan iyo in helo dhalin yaro xanbaarsan han umadeed,hor istaagana qof walba oo umadda kala gaynaya kala goynayana,sidoo kale wuxuu bogaadiyay shaqada dacwadeed ee ay dhalinyarado wada ee ay dadka ku gaarsiinayso diinta alle baraysana.

Waxaa kaloo ka hadlay xafladda sh.Maxamed godone xoosh asagoo muujiyay farxaddiisa ka dhanka ah inoo arka da’yar soomaaliyeed oo ku hawlan hormarinta iyo walaalaynta umadda soomaaliyeed awal meeshii ay dhalinyaradu ahayd rasaas ay isticmaalaan kuwa doonaya kala goynta umadda soomaaliyeed iyo kuwa dadka dhiigooda ku bannaystay magaca diinta ayagoo waxa ay samaynaya  diinta oo san kula hayn sal iyo baar,sidoo kale umadda soomaaliyeed wuxuu ugu bishaareeyey inuu dilaacay waa bar cusub kaas oo ay dhamaatay in loo isticmaalo awoodda dhalinyaro awood  wax lagu burburiyo ayna noqotay awood wax lagu dhiso.

Sidoo kale waxaa ka hadlay goobta xafladda godoomiyaha mu’sasada minhaaj gobolka nugaal,asagoo halkaa ka soo jeediyay kalmad baraarujina,ugana baaqay kasoo qaybgalaasha inay shaqeeyaan habeen iyo maalin si ay u hirgaliyaan fikradahaas wanaagsan,sidoo kale wuxuu yiri “waxaan dhihi karnaa wuu hirgalay u jeeddadii loo asaasay maxaa yeelay waxaa ka mid ahayd ujeedooyinka waawayn ee loo asaasay macaahidda soo saarista jiil ku hubaysan diinta ilaahay fahamsanna kitaabka alle iyo sunnada rasuulka sidii ay u fahmeen salafku , xanbaarsanna hammi omadeed,waana arkaysaan waa taas qorraxdu inuu soo baxday”.

Waxaa kaloo soo jeediyay kalmad wasiirku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare  ee maamul goboleedka puntland Dr.maxamad cali faarax asagoo sheegay inay ku faraxsanyihiin ka soo qaybgalkooda xafladdaan, taas oo muuji naysa in waxbarashado iska badashay aragtiyo la dhigo ayna isu baddasho wax shaqaynaya,sidoo kale wuxuu u hambalyeyay dhalinyarada dhabarka u ritay shaqadaas,wuxuuna ku yiri “waxaad barateen wax barasho sida kuwa nila mida waxaa kaloobarateen kitaabka ilaahay iyo sunnada rasuulkiisa NNKH markaas ayay inuu suubatay hogaaminta umadda iyo jihaynteeda”.

Gabagabadii waxaa hadlay wasiirka cadaaladda iyo arimaha diinta ee maamul goboleedka puntland asagoo sheegay in kuwa xambaarsan kitaabka eebe wayne ee yaqaaan aqoonta saxdaa inay yihiin hogaamiyaasha iyo layrka la ifsanayo ifkiisaa marwalba sidoo kalana wuxuu sheegay inuu  kulan waynuhu furanyahay.

Nuur Jaamac Aadan
Halgan.net  Garowe

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online