Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dalka Faransiiska.[Masawiro]

July 25, 2017 - Written by Editor

Muqdisho, 25 Luulyo 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya Mudane Antoine Sivan. Madaxwaynaha iyo Safiirka oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin ka tirsan labada dal ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dhinac iyo Arrimaha ay ka rajaynayso Dowladda Federaalka Somaaliya in dowladda Faransiisku ay kala shaqayso.

Madaxwayne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdu ay haysato taageerada Shacabka, sidaas darteedna looga baahnayahay wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya in ay dowladda kala shaqeeyaan qorshayaasha horyaala ay ka mid tahay xal u helista daymaha lagu leeyahay dalka iyo dhisidda ciidan Qaran oo hanan kara amniga guud ee dalka.

Danjire Antoine Sivan ayaa Madaxwaynaha u soo gudbiyey farriin uu uga siday Madaxwaynaha Faransiiska Immanu-wel Mak-roon ( Emmanuel Macron ) oo ku tarjumaysa sida ay u garab taaganyihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online