Guddiga Doorashooyinka DFS oo laga mamnuucay degaannada Puntland

February 6, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta Dowladda Puntland ayaa sheegaya in wasaarada arimaha Gudaha ee Puntland ay amar ku bixisay in albaabada loo laabo xafiiskii Guddiga Doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya, uu ku lahaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa lagu wargaliyey Maamulka Gobolka Nugaal, in Wasaaraddu ay xirtay Xafiiskii Guddiga Doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku lahaa Garoowe, laga bilaabo maanta.

Warsaxaafadeedka aaaa waxaa kale oo lagu xusay in dhammaan Guddoomiyaasha gobollada iyo Degmooyinka Puntland, in ilaa iyo amar dambe Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, aysan wax shaqo ah ka qaban Karin Gobollada iyo Degmooyinka Puntland.

Khilaafka Madaxada dowlada Federaalka iyo Puntland ayaa sii xoogeysanaya ka dib markii ay labada hogaan ku heshiin waayeen arimaha waxbarashada ,iyo qaabka loo qeybsanayo kheyraadka dalka.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
242526272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online